Wararka kulanka maamulada Soomaaliya uga socda Kismaayo

Image

Kismaayo, Soomaaliya: Kulan maalintii labaad uga socda Kismaayo madaxweynayaasha maamulada Soomaaliya ayaa wararka warsidaha GO ka helayo sheegayaan in lagaga hadlayo nuxurka qoraal la filayo inuu kasoo baxo sida la qorsheynayo maalinta berri ah 11 Oct, 2017.

Kulankaan oo albaabadu u xiran yahay isagoo ajendaaysha lagaga hadlayo la adkeeyey in wax laga ogaado ayaa wararku waxay xusayaan in madaxda maamulada ka doodayaan siiqada ay noqoneyso warmurtiyeed la filayo in laga soo saaro gabagabada shirkaan.

Qodobada laga doodayo ayaa sida wararka laga helayo sheegayaan waxaa ugu mihiimsan faragalinta Dowlada Fedraalka ku hayso nidaamka Federaalka iyo sida ay u diidan tahay in labada dhinaca ka wada shaqeeyaan shuruucda khuseeysa maamulada sida Dastuurka, maaliyada, Ciidamada, Isgaarsiinta iyo kuwo la mid ah.

Arimaha ugu muhiimsan sida warsidaha GO u sheegayaan xogogaal ayaa waxaa kamid ah nidaamka loo marayo dib u eegista Dastuurka kaasoo madaxda maamulada isku mowqif ka yihiin In la hareer marey wada shaqeyntii Axdi qarameedku qorayey iyadoo Wasaarada Dastuurka Federaalka afduubtey.

Dhinaca kale kulnakaan ayaa la filayaa inuu kasoo baxo Golo cusub ( Council) oo ay ku midoobayaan maamulada Soomaliya.

Wadahadalka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Axmad Madoobe Gogol u dhigey lagu xaliyo khilaaf ka dhashey mowqifyada kala duwan ee Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ka qaateen arimaha Khlaiijka.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa iyadu qaadacdey kulankaan ka qayb galkiisa taasoo u aragtey in maamuladu kaga horimaanayaan go’aamadeeda siyaasadeed ay qaadatey arimaha Khaliijka iyo muranka ka taagan Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM