Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Dhumay iyo Khasaaraha oo kordhay

Image

DHUMAY, Puntland - Dagaal culus oo dib uga qarxay subaxnimadii Isniinta tuulada Dhumay ee koonfurta gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya labo beelood oo walaalo ah ayaa sababay dhimashada in ka badan 50 ruux.

Iska hor-imaadka ayaa ka dambeeyay markii ay burbureen wadaxaajoodyo lagu soo afjari lahaa is-qabqabsi dhul oo ka dhaxeeyay labada Beelood oo ay dhex-dhexaadinayeen mas'uuliyiin katirsan maamulka Somaliland iyo waxgarad.

Xaalada degaanka ayaa wararka uu mareega Garowe Online ka helayo waxay sheegayaan inay tahay mid degan, xili 24-kii saac ee lasoo dhaafay aanan ka dhicin wax dagaal ah oo labada dhinac u dhaxeeya.

Gurmad loo fidinayo dadka ku dhaawacmay oo in ka badan 100 lagu sheegay ayaa soconaya, kuwaasi oo la geeyay magaalooyinka ku dhow oo ay kamid tahay Laascaanood, oo 40-KM u jirta.

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay isku dhaca ayaa ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo xili Madaxwayne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyre ay fareen hay'addaha caafimaad inay u gurmadan dadkaasi.

Madaxtooyadda Puntland oo ka hadashay waxay dusha u saartay mas'uuliyadda dagaalka maamulka Somaliland, xili dhinac-yadda ishaya ay ugu baaqday inay wadahadal ku dhameeyaan waxay kala tabanayaan.

Maamulka Hargeysa oo dhankiisa baaq nabadeed kasoo saarey dagaalka, ma uusan u jawaabin Puntland, balse wuxuu ku tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in colaadda Dhumay ay sii socoto.

Beelaha ood wadaaga ah oo ay dirirtu ku dhex-marayso Dhumay oo hoostimaada Laascaanood ayaa isku hayo arrimo badan oo muran dhuleed iyo aanooyin qabiil ay kamid yahiin, waxaana dagaalkooda kusoo beegmayaa xilli ciidamada Puntland iyo Somaliland ay gobolka Sool, gaar ahaan Tukaraq ay isku hor-fadhiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM