Wararkii ugu dambeeyay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax xoog leh oo caawa fiidkii salaadda maqrib kadib ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa ahaa mid lagu diyaarinayay guri ku yaalla Xaafada Oodweyne ee degmada deeyniile, isla waxaana uu geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen GO.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux oo ay ku jiraan Canug yar iyo Haweenay kuwaasi oo kamid ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa Guriga lagu diyaarinayay qaraxa, iyadoo aan la ogeyn in kuwaasi diyaarinay ay kamid yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada ay tahay 4 qof, sidoo kalena ay jiraan ku dhawaad 5 kale oo dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaarey qaraxan oo ahaa mid culus oo laga maqlay qeybo kamid ah Muqdisho.

Saraakiisha amaanka degmada iyo kuwa Nabad Sugida dowladda ayaa la wareegay Guriga uu qaraxa lagu dhex diyaarinayay, iyadoo wali aan fahfaahin laga bixin natiijada baaritaanka ciidamada ay sameeyeen.

Dadka ku dhawan xaafadda Oodweyne ayaa soo food-saartey casbi xooggan kadib qaraxii caawa, iyadoo Deyniile ay kamid tahay meelaha xubnaha Al Shabaab ay sida aadka ah ugu dhex-dhuumaalaystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM