Warbixin: MD. Farmaajo oo la kulmay Amiir Shiikh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan

Image

ABU DHABI- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Imaaraadka Carabta ayaa Qasriga looga arimiyo dalkaas kula kulmay dhaxal sugaha Abu Dhabi islamrkaana ah ku xigeenka ciidamada qalabka sida ee wadankaas Shiikh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan.

Labada mas'uul ayaa ka hadlay siyaabaha labada wadan uga wada shaqeyn karaan la dagaalanka argagixisada iyo sida loo adkeyn karo amaanka wadanka Soomaaliya iyo mandiqada.

Wadahadalkaan ayaa dhinaca kale taabtey arimaha hurumarinta, barnaamijyada bini'aadnimo iyo mashaariicda dib u dhiska dalka kuwasoo wadanka Imaaraadka Carabta qaarkood gacanta ku hayo, kuwa kalena damacsan yahay in ugu deeqo dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa warbixin ka siiyey amiirka barnaamijyada hurumarka ay ka wadaan dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadiidka.

Warar ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegey in uu aad ugu faraxsanaa wadahadalka uu la yeeshey amiir Shiikh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan isagoo xusey in qodobadii laga wadahadlay guulo ka gaareen kuwasoo aan saxaafada loo sheegin.

Kulanka labadaan mas'uul ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan aysan ciddana ku wehelin iyagoo wadahal albaabadu u xiran yahay ku jirey muddo gaareysa Hal saac iyo Bar.

M. Farmajo & Amiir Sh. Maxamad Bin Zayed Al Nahyan ( Sawirka Safar Hore)

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii xaley Hotelka uu ka dagan yahay magaalada Abu Dhabi kula kulmay koox ganacsato ah kuwasoo uu uga xog waramey kulankii uu la qaatey amiirka dhaxal sugaha ah halka ay waydiiyeen su'aalo la xiriira arimaha Soamaaliya iyo qodobada wadahadalkaan taabanayeen.

Mudane Farmaajo iyo Waftiga uu hogaaminayey ayaa saaka 10:00 am kasoo dhoofi doona madaarka Abu Dhabi kadib markii uu dhameystey booqasha labo maalmood ah ee uu ku joogey wadanka Imaaraadka Carabta.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa culeys badan ka haystey mowqifkeedii ku aadanaa dhexdhexaadnimada ay ka qaadatey khilaafka Khaliijka kaasoo meeshii ugu hooseeya gaarsiiyey xiriirka ay la laheyd wadanka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.

GAROWE ONLINE

 
 
 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM