War-murtiyeed: Jubaland iyo Puntland , Gaas oo gaarey Garowe

Image

KISMAYO, March 6,2015 (GO)- Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa war-murtiyeed wadajir ah kasoo saarey kulamo ay lahaayeen muddo sadex cisho ah, qoraalkaan ayaa waxaa mid lamid ah horey u soo saarey kulamo ay wada qaateen maamulka Koonfur galbeed iyo Jubaland.

War-murtiyeedyadaan ayaa sida la rumeysan yahay inta badan dowlada Federaalka kasoo saarin wax jawaab celin ah.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlada Puntland ayaa maanta dib ugu soo noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe isagoo saxaafada la hadley. 

Arrimaha Siyaasadda:

In Jubaland iyo Puntland aragti mideysan ka yeeshaan xaqiijinta Hiigsiga sanadka 2016 iyo in la dadejiyo dhamaystirka federaalka iyadoo la raacayo Dastuurka Qaranka.

In la dadejiyo fulinta qodobadii ay isku afgarteen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubaha ka ah Federaalka 6 Feberaayo 2015.

In Jubaland iyo Puntland soo magacowdaan xubnaha uga mid noqonaaya Guddiyada heer Qaran oo ay ka mid yihiin guddiga dib u eegista dastuurka, amniga qaranka, isku xirka xukuumadaha, Federaalka iyo kala xadeynta xuduudaha, doorashooyinka iyo guddiyada kale.

In Jubaland iyo Puntland si wada jir ah u samaystaan gole wada jir ah oo ka shaqeeya xoojinta xiriirka labada maamul.

In mucaawanooyinka lagu helo magaca Soomaaliya si dheelitiran loogu qaybiyo degaanada Soomaaliya iyo in Dowladda Federaalku ay u fududeyso hay’adaha caalamiga ah in ay si toos ah u caawin karaan Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya (No Objection policy).

In Qorshayaasha Hindisaha cusub (New Deal plans) lagu baahiyo Dowladaha xubnaha ka DF, isla markaana samaystaan xafiis ka shaqeeya isku xirka isku dubaridka iyo xiriirka deeqaha.

In Jubaland iyo Puntland ay aragti mideysan ka yeeshaan qaabka loo maamulayio kheyraadka dabiiciga ah iyadoo Dowladda Federaalku qadanayso awooda uu siiyey Dastuurka Qaranka.

In Dowladaha xubnaha ka ah DF ay qayb ka noqdaan talada wax kasta oo saameyn ku yeelan kara nolosha iyo mustaqbalka shacabka ay metalaan.

Arrimaha Amniga

In la qabto shir weyne ay isugu imaanayaan dowladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliya si looga wada tashado arrimaha ciidanka Qaranka.
In la iska kaashado la dagaalanka argagixisada magac kasta oo ay wataan iyo in la is dhaafsado xogta cadowga.

In Puntland gacan ka siiso Jubaland dhinaca Tababarada Booliska, gaar ahaan isticmaalka adeegyada kala duwan ee xarumaha tababarda ee degmada Carmo ee ku taal Puntland.

In dhamaan tababarada ciidamada heer Federaal ay noqdaan kuwo loo siman yahay lana gaarsiiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Xoojinta xiriirka ganacsiga

In labada Dowladood iyo labada bulshoba ay iskaashi ka yeeshaan arimaha horumarinta dhaqaalaha iyadoo taas ay hormuud ka noqonayaan labada wasaaradood iyo labada Rug ganacsi.

In canshuur hoose laga qaado badeecadaha labada dhinac is dhafsanayaan.

Is dhaafsiga Aqoonta Hay’adaha Dowladda (Institutional Building)

Waxaa la isku raacey in la wadaago aqoonta iyo waayo aragnimada la xiriirtaa kobcinta aqoonta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

BAAQ

Waxaan ku baaqeynaa in la damiyo colaadaha ka aloosan Gobolada Dhexe isla amrkaana DF qaadato doorka uga aadan arrintaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM