Wasiir Oomaar iyo Fahad Yaasiin Daahir oo dacwad laga gudbinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senatorada kala ah; Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil [Farataag] iyo Iftiin Xasan Baasto ayaa shaaciyey in ay dacwad ka gudbinayaan Wasiirka Duulista Hawada iyo taliyaha hay'ada NISA.

Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo taliye Fahad Yaasiin Daahir ayay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen talaabo looga reebay diyaarad ay la socdeen oo kusii jeeday Kismaayo kana bixi lahayd Muqdisho.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa ka qeybgeli lahaa Aaska Wasiirka Waxbarashadda Jubbaland kaasoo todobaadkii hore ku dhintay Hindiya.

Farataag oo wariyeyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ugu baaqay gudoonka labada aqal ee baarlamaanka in uu dardargeliyo dacwadda.

"Illaa iyo Maxkamadda Sarre ayaan isla tagi doonaa, maadaama aysan jirin maxkamadii dastuuriga ahayd," ayuu hadalkiisu ku daray.

Iftiin oo sheegay in ku dhowaad afar saacadood ay ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha ayaa rumeysan in diyaaradda "looga dejiyey 'waxaad ka aragti duwan tihiin madaxda dowladda, taas oo aan ka xunahay".

Madaxweyne Farmaajo ayay xusuusiyeen in uu guto waajibaadkii loo doortey "oo ay kamid tahay in uu wax ka qabto amniga, Coronavirus, colaad-beeleedyadda soo cusboonaadey kana hadlo shilkii Berdaale".

Taliska NISA iyo wasaaraadda duulista hawadda ayaanan wali ka jawaabin eedeynta uga timid labada Senator. Xiriiro lala sameeyo kama jawaabin wicitaanka.

Xildhibaanadan ayaa degaan doorashadoodu waxay tahay Jubbaland. Mana noqoneyso markii ugu horeysay oo hay'adda nabad-sugiga ay xayiraad noocaan ah ku sameyso mas'uuliyiin, siyaasiyiin iyo madax horey.

MUUQAALKA SENATORADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM