Wasiirro kale oo kamida Xukuumadda cusub ee Puntland oo la dhaarijiyay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad maanta ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada Garowe, taasi oo lagu dhaarijiyay 3 kamid ah wasiirada cusub.

Munaasabada oo ay warbaahinta madaxa banaan ka qaybgashay ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqday; xubno ka socday maxkamada sare ee PL iyo saraakiil kale oo ka socday Aqalka looga arimiyo maamulkaan.

Mas'uuliyiinta la dhaariyay ayaa kala ah; Maxamed Cabdi Cusmaan, wasiirka dekadaha iyo Kheyraadka badda, Cali Maxamed Faarax, wasiir ku xigeenka Cadaalada iyo Axmed C/raxmaan, wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha.

Xubnahaan ayaa cudur ku seegay dhaarintii guud ee Gollaha xukuumada cusub, kuwaasi oo ka kooban 45, oo kala ah; 18 wasiir oo mid dumar ay tahay, 18 wasiiro ku xigeeno iyo 9 wasiiru dowlayaal.

Gollaha Wakiilada DPL ayaa maalintii shalay ahayd wasiirada siiyay codka kalsoonida markii la horgeeyay, halkaasi oo uu madaxwayne Deni ka qiray in uu caqabado kala kulmay intii ku jiray soo xulista.

Deni oo rajo ka muujiyay in xukuumadiisa cusub ay la timaado howlo wax ku ool ah ayaa kula dar-daarmay in ay danaha gaarka ah ka horumariyaan tan guud, taasi oo horseedi karta horumar iyo baraaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM