​Weerar lagu dilay 10 Shacab ah oo ka dhacay Shabeellaha hoose

Image

BARIIRE, Somalia - Ugu yaraan 10 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerar ay Ciidamada dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen saaka oo Jimco ah deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Kuxigeenka maamulka gobolka Shabellaha Hhose ee dhinaca Amniga, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in weerarka, kaasi oo ka dhacay Beer ku taalla deegaanka Bariire, oo qiyaastii 40KM dhanka galbeed uga beegan Muqdishu.

Wuxuu Cali sidoo kale u sheegay GO in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 nin oo waardiye ka ahaa Beerta, kadibna ay horey u sii kaxeysteen tiro kale, oo ay ku qaateen Diyaaradaha Helicopters-ka.

"Beerta la weeraray ayaa waxaa la sheegay inuu leeyahay nin dadka deegaanka Bariire katirsan, oo lagu magacaabo Xuseen Tabliiq, illaa haddana mana naqaano sababta loo weeraray Beertiisa iyo sababta ka dambaysa dilka shacabka," ayuu yiri Cali Nuur.

Magacyada dadka ku dhintay Weerarka:

1 - Ali Aden Ahmed

2 - Abdifitah Yusuf Abdi

3 - Juruum Mohamud Yusuf

4 - Saney Jama Warsame

5 - Ali Abdi Ibrahim

6 - Abdulkadir Abdullahi Dirie

7 - Isack Ali Harun

8 - Mohamud Talasow Abdi

9 - Hussein Khamis Moalim Abdi

10 - Mohamud Mohamed Abdi

Deegaanka Bariire ayaa la wareegay Ciidamada Dowladda Somalia, oo garab ka helaya AMISOM iyo kuwa Mareykanka Todobaad kahor, kadib duulaan wadajir ah, oo ay ku qaadeen Dagaalyahanadii Al shabaab-ka ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamada Mareykanka ee weerarkan fuliyay waxaa la sheegay inay degan yihiin Saldhiga Balli-Doogle, oo aan ka fogeyn Bariire, halkaasi oo inta badan ka qaadaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

Dowladda Federaalka Somalia wali kama aysan hadlin weerarka lagu xasuuqay dadka shacab ah, balse Xildhibaano katirsan Barlamanka dalka ayaa cambaareeyay falkaasi, kuna baaqay in baaritaan lagu sameeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM