Xaaf oo xukuumada u wakiishay doorashada iyo wada hadalada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa ku dhawaaqey in uu xukuumadda si gaar ah wasaaradda arrimaha gudaha uu u wakiishay geedi u socodka doorashada iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Nidaamkan ayaa hadafka ugu weyn ee laga leeyahay waxaa lagu sheegay in lagu soo afjaro khilaafkii hareeyay dowlad goboleedkan isla markaana lagu dhiso maamul dhameystiran oo leh hay’addo shaqeynaya.

"Dhamaan hay’addaha kala duwan ee Galmudug waxay sii wadanayaan waajibaadkooda inta laga soo dhisayo dowlad cusub," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xaaf.

Bayaankan oo ku taariikheysan 3-da July 2019 ayaa kusoo beegmaya xili beesha caalamka ay soo dhaweysay wada xaajoodyadda ka socda maamulkan kadib marki uu Xaaf Muqdisho kula kulmay diblumaasiyiin.

Tani ayaa ka dambeysay ka gedaal markii heshiis ay kala saxiixdeen hogaanka dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxda Galmudug taasi oo soo gabagabeysay is-fahamwaa taagnaa tan iyo sanadkii hore.

Ma jirto illaa iyo haatan waqti loo muddeeyay coddeynta iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug balse waxaa lagu soo koobay in ay labaduba ka qabsoomi doonan Dhuusamareeb wallow doodi ay ka taagan tahay.

Maamulka Galmudug oo la aas-aasey bishii August 2006-dii ayaa ka arimiya gobolada dhexe ee Soomaaliya, inkasta oo qeybo kamid ay maamusho Ahlu Sunna oo haatan kusoo biirtey dowlad goboleedkan.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM