Xanuun aan weli la aqoonsan oo 10 qof Muqdisho ku diley

Image

December 11, 2014 (GO)- Ugu yaraan toban qof ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey xanuun aan ilaa iyo hadda la garaneyn ugu geeriyoodey degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir tiro boqol ka badanna isbitaallada ayaa la dhigay.

Wararka Muqdisho laga helayo ayaa sheegaya in dadkaasi ku sumeebeen biyo ay ka cabeen ceel dhowaan degmadaas laga qoday.

Bukaannada xanuunkani soo ritey waxaa lagu arkay calaamado shuban iyo mantag kamid yihiin, waxaana cabsi laga qabaa in cudurkaasi yahay shuban-biyood. 

Xilliyada roobabka waxaa magaalada Muqdisho oo iyadu nadaafad ahaan aan wanaagsaneyn ka dilaaca cudurro uu shuban-biyoodu kamid yahay.

Xeel dheereyaasha caafimaadka ayaa si joogto ah uga diga in biyaha laga cabo ceelasha laga dhex qodo xaafadaha, maadama ay suurogal tahay in godadka suuliyaashu wasakheeyaan biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM