Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Xiisadda Tukaraq, Baaqna diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa wuxuu si kulul uga hadlay colaada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyo hadalada xanafta leh oo ay jeedinayaa masuuliyiinta Puntland iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka uusan ahayn mid ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed, iyo horumarada iyo hiig-sanayo qaranka, waxaana uu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso inay si deg deg u joojiyaan dagaalka.

Xasan oo wareysi siinayay laanta Af-Soomaaliya ee BBC-da ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu yahay mid dib u dhac u keenaya dalka, sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa.

“Waxaan rabaa inaan fursadaan uga faa’ideysto inaan baaq nabadeed udiro maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq, halkaasoo dagaalo ay dib uga soo cusboonaadeen,” ayuu yiri Xasan.

“Run ahaantii, waa ayaan daro in iyadoo qaranka Soomaaliyeed uu soo kabanayo dib loogu celiyo dagaal. Waxaana ka codsanayaa dhinacyadda dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka oo ay bisha Ramadaan xushmeeyaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Waxaan kaloo ka codsanayaa madaxda maamulada inay joojiyaan hadalada xanafta leh oo ay warbaahintu isku marinayaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa inuu soo xoogeysto dagaalka. Sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xasan Sheekh.

Baaqaan nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa imaanaya iyadoo maamulka Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] uu maanta ic-laamiyay in Puntland ay isku diyaarineyso dagaal dheer oo ay Somaliland la gasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM