Xasan Sheekh: xukuumad loo dhan yahay ayaa lasoo dhisayaa

Image

January 26, 2015 (GO)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay magcaabista golaha wasiiradda ee la sugayo.

Wuxuu sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono xukuumad tayo leh oo ay ka dhex muuqdaan dhinacyada siyaasadu.

Madaxweynuhu wuxuu shaaca ka qaadey in aysan cid walba jago ka heli karin xukuumadda, balse la soo dhisayo xukuumad isu dheeli-tirsan, isagoo ka dalbaday bulshada inay golaha cusub la shaqeeyaan.

"Aynu la shaqayno dowladda si aan uga dhaqaaqno halka aan joogno, wakhtigana uga faa'iidaysno." Ayuu yiri Xasan sheikh.

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiinta iyo umadda kaleba ugu baaqay in ay tanaasul u muujiyaan danta guud ee la wadaago.

Arrintani waxay kusoo beegmaysaa xili qaar ka tirsan beeluha ay ku goodiyeen in aysan oggolaan doonin hadii aan la soo magcaabin xubno ay carabaabeen, sida Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hore isaga casilay wasiirka amniga.

Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali ayaa bartamihii bishan dib ula noqday xukuumad ka koobnayd 22 wasiir oo uu soo dhisay goor hore oo bishan ah, in kastoo uu kala diray markii uu ka war helay qorshe uu baarlamanku codka ugu diidayo xukuumadaas.

Sharmaake ayaa looga fadhiyaa xukuumad cusub oo aan la aqoon qaabka ay yeelanayso marka la eego dhinacyada siyaasadeed ee isha ku haya. Baarlamanka ayaa ku baaqay in aan xukuumadda lagu soo darin xubnihii ku jiray dowladihii la tuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM