Xasan Shiikh oo Jarmalka u tagey kulan iyo arrimo caafimaad

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia Xasan Shiikh ayaa maanta gaarey dalka Jarmalka halkaas oo kaga qayb galayo kulan ka dhacaya magaalada Munich.

Qoraal kasoo baxey xafiiska madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegaya in halkaas kaga qayb galyo kulan loogu magac darey shirka 52aad ee amniga Munich ( Munich Security Confrence) 

Shirka Munich ayaa waxaa ka qeybgali doona illaa 30 hoggaamiye oo waddamada dunida ka socda  iyo illaa 70 wasiirro arrimo dibadeedyo iyo difaaca ah.

Arrimaha ugu waa-weyn ee diiradda lagu saarayo shirkan ayaa waxaa ka mid ah xasiloonida dalalka saxaraha ka hooseeya oo ay Somalia ku jirto, qaabka Yurub ay uga jawaabtey qulqulka qaxootiga ku soo badanaya Yurub, dagaalka Syria, xakameynta hubka iyo cudurada ku sii baahaya dunida.

Dhinaca kale warar warsidaha Garowe Online ka helay qaar ka tirsan mas'uuliyiinta dowlada oo magacooda ka gaabsadey iney sheegaan ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia ka qayb galka kulankaan u weheliso isagoo xaalad caafimaad u tagey dalka Jarmalka.

Wararkaan ayaa intaas ku daraya ka-hor inta uu madaxweyne Xasan Shiikh u ambabaxin dalka Jarmalka uu baajiyey dhamaan kulamadii uu la qaadan lahaa howlwadeenada dowlada sababo la xiriira xaaladiisa caafimaad oo aan fiicneyn.

Lama xaqiijin xanuunka madaxweyne Xasan Shiikh balse xogogaal ayaa sheegaya inuu yahay mid u baahan in wax looga qabto wadanka dibadiisa.

Mud. Xasan Shiikh ayaa inta uusan ka ambabixin Muqdishu sidoo kale u magacaabey dalalka Turkiga iyo Ethiopia safiiro cusub kuwasoo muran ka dhex dhaliyey qaybaha kala duwan ee dowlada.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Somalia ayaa loo magacaabey gudoomiyihii hore ee gobolka Hiraan Cabdifatax Xsaan Afrax safiirka dalka Somalia u fadhiya ururka midowga Afrika iyo dalka Ethiopia magaaada Addis Ababa halka safiirka dalka Turkiga loo magacaabey Maxamad Xaaji Madeer.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiraan ayaa xilka laga qaadey kadib markii lagu eedeeyey inuu qayb ka ahaa isku-dhacyo dad ku dhinteen ee ka dhacey magaalada Baledweyne. 

Sidoo kale Maxamad Xaaji Madeer oo loo magacaabey safiirka dalka Turkiga ayaa waxay walaalo dhinaca hooyada ah yihiin madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Magacabista Madeer ayaa dadka siyaasada la socdaa aaminsan yihiin in madaxweyne Xasan Shiikh abaal marin u siiyey Shariif Xasan madaama uu tageerey nidaamka doorasho ee 4.5 kasoo muran dhaliyey.

Xilalkaan la magaacbey ayaa wararku sheegayaan iney aad uga xumaadeen Ra'isla wasaaraha Somalia iyo gudoomiyaha Barlamanka dowlada Federaalka ah kuwasoo kulamo lahaa 24 saac ee lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM