Xasan Shiikh: waxba kama jiraan isku shaandheynta Golaha Wasiirrada

Image

October 25, 2014 (GO)- Iyadoo 24-tii saac ee ugu dambeeyey uu sii xoogeystey khilaaf mudooyinkii u dambeeyey ka dhex aloosnaa mas'uuliyiinta ugu sarreeya Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa Madaxweynaha Xasan Shiikh Axmed wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay isku-shaandheyn kooban oo maanta Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ku sameeyey Golaha Xukuumadda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci darro ah oo Ra'iisul Wasaaruhu si mas'uuliyad darro ah u qaaday isagoon wax wadatashi ah kala sameyn Madaxweynaha. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ku eedeeyey Ra'iisul Wasaaraha ku tagrifal awoodeed iyo inuu caqabad ku yahay in dowladdu horumar sameyso waa sida uu hadalka u dhigaye. 

"Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dulqaatay tallaabooyin qalafsan oo xad gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:

1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro asaga oo aan wax wada tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga;
2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka"

Dhammaan mas'uuliyiintii isku-shaandheyntu saamaysey ayaa lagu wargeliyey inay shaqooyinkooda sidii caadiga ahayd usii wataan maadaama gebi ahaanba isku-shaandheyntaasi ahayd mid aan sax ahahn, sida ku xusan qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Villa Somalia.


"Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, quwaaniinta iyo shuruucda dalka u deg san, waxaan go,aamiyey:
1. Inuu wax kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Rai-sul Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
2. In Wasiir kasta uu sii wato xilkii lagu ogaa, samaynna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’isul wasaaraha 25kii Octoober 2014
3 .In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan howlgallada hada socda;
4.In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.

Sida ila wareedyo madaxtooyda ka agdhowi xaqiijiyeen, arrinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aadka uga carooday ayaa ah in xilkii uu horay u hayey laga qaaday Faarax Shiikh C/qaadir oo horay u ahaa Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka balse isku shaandheytna kadib loosoo magacaabay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa. Faarax Sheekh oo ka tirsan kooxda Damul-Jadiid wuxuu kamid yahay shaqsiyaadka haga siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh had iyo jeerna uu la tashado.

Sept 7, 2014 Golaha Wasiirradu waxay xil ka qaadis ku sameeyeen agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad-sugidda Cabdulaahi Maxamed Cali (San-baloolshe). Ninkaas oo Xasan Shiikh qaroobo dhow yihiin aad buu uga soo horjeestey markii hore in xilka laga qaado inkastoo uu dib ka ogolaaday.

Ra'isal Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa tan iyo intii uu xilkaan qabtey (December 21, 2013) gacanta ku dhigey shaqada xukuumadda isaga oo Madaxweyne Xasan Shiikh ka diidey inuu ku xad gudbo awoodaha dastuuriga ee uu leeyahay xafiiska wasiirka koowaad ee Dowladda Federaalka. 

Sida uu dhigayo qodobka 100-aad ee dastuurka qabyada ah ee Dowladda Federaalka Somalia, Ra'iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda magacaabista wasiirrada, xil ka qaadista iyo weliba isku shaandheyntooda, iyadoo kaalinta Madaxweynuhu taas ku yeelanayaa tahay keliya inuu ka tala bixiyo.

"Qodobka 100aad: Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada; 

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni. 

(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa."

Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed weli arintan kama hadlin, waxase la filayaa in saacadaha soo socda uu war kasoo saaro. Wixii kasoo kordha khilaafka labada mas'uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM