Xiisado ka taagan Cadaado iyo Dhuusamareeb [Fah-faahin]

Image

CADAADO, Soomaaliya - Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo kawada tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay ka taagan tahay xiisad colaadeed.

Ugu horeyn, xiisadda ayaa waxay ka bilaabatay magaalada Cadaado, gaara ahaan Madaxtooyadda maamulkaas, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan hogaanka is-khilaafsan ee maamulka Galmudug. [Halkan ka akhri Warka].

Ciidamada ku dagaalamay magaalada ayaa waxay daacad ay u kala yihiin Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] iyo  Madaxweyne ku xigeenka iyo Afhayeenka Baarlamaanka, oo isku dhinac ah.

Dagaal qaraar ayaa halkaas ka dhacay, kaasoo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah.

Sida wararku ay sheegayaan, dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada daacada u ah Madaxweyne Xaaf oo uu hogaamiyo Wasiirka Maaliyada Galmudug, Saciid Shire ay isku dayeen inay xoog ku galaan Madaxtooyadda Cadaado.

Ciidamadii kale ee jooga Madaxtooyadda ayaa kahor yimid kuwa Wasiirka uu watey, taasoo keentay in dagaal faraha looga gubtay uu halkaas ka qarxo, kaasoo saacado qaatey, kadibna iskiisa u istaagay.

- Xaaladda Dhuusamareeb - 

Geesta kale, wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxay tibaaxayaan in ciidamo careysan ay la wareegeen Hoyga uu halkaas ka dagaan Madaxweyne Xaaf.

Ciidankan oo ka gadoodsan mushaar la'aan mudo ka badan afar bilood, ayaa la tilmaamayaa inay ka tirsan yihiin kuwa Ahlu Sunna, oo dhawaan la midoobey Galmudug.

Wararka uu Warsidaha GO halkaas ka helayo waxay sheegayaan in Madaxweyne Xaaf uu ku sugnaa guriga markii ay Ciidamada tagayeen, dadka deegaanka ay sheegeen in hadda socoto Waan-waan ku aadan sidii loo qancin lahaa ciidanka gadoodsan.

Maamulka Galmudug ayaa wajahaya xiisad siyaasadeed, waxaana arimahan imaanayaan xili uu Khilaaf xoogan ka dhax aloosan yahay Madaxda sare ee maamulkaasi oo hada labo garab u kala jabay.

Xaaladda ayaa hadda u muuqata mid faraha kasii baxaysa, iyadoo dowladda Federaalka ay sheeda kala socota waxa ka socda Galmudug, mana muuqato dadaalo ay ku bixinayso sidii loo xalin lahaa khilaafka madaxda maamulkan ay khilaafyada la degeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM