Xildhibaan Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay

Image

War deg deg ah oo naga soo gaaraya magalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd koox hubaysani ay ku dishay degmada Hodan gaar ahaan xaafada Taleex Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka kasoo gala Puntland.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarka Xildhibaan Saado lagu soo qaaday iyadoona goobjooge la hadlay Radio Garowe uu sheegayo inay dhimatay.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa isla markiiba goobta yimi iyo ciidan aad u faro badan waxana loola cararay isbitaalka magalada Muqdisho.

Dadwayne aad u faro badan ayaa goobta u falkan ka dhacay isi soo buuxiyay kuwaasoo ka naxay Saado Cali Warsame weerarka lagu soo qaaday.

Saado Cali ayaa ka mid ahayd fanaaniinta qaranka Soomaaliyeed ee Kooxda Waabari waxayna fanka soo gashay 1973.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM