Xildhibaan sheegay in lagu rasaaseeyay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA], ayaa rasaas ku furay Gaariga uu saarnaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ah Guddoomiyaha kutlada Barlamaaniga ah ee "Horusocod."

Xildhibaanka ayaa qoraal uu sii dhigay Boggiisa Facebook ku sheegay in Ciidamda ay si bareer ah rasaasta ay ugu fureen xilli uu kasoo gudbay Bar-koontarool oo ay ku leeyihiin nawaaxiga Baar FIAT ama KM-0 galabnimadii Arbacada [May 23].

"Maanta [Arbacadii] markay saacaddu ahayd 5:10 pm waxaa si bareer ah rasaas iigu furey Ciidamada NISA xilli aan marayay meel checkpoint [Bar-Koontarool] ah kadib markii Gaarigeyga istaajiyeen ana weydiiyeen aqoonsi waana la wadaagay kadib waxaa nagu wargeliyeen in aan socon karno balse markii aan soo dhaafay 20 mitir waxaa igu billaabey rasaas isla askarigii i fasaxay iyo qaar kale oo la joogay sidoo kale waxaa uu amray gaari nuuca ciidamada oo qori weyn saaranyahay in uu i rasaaseeyo, waxaana xilligaasi gaariga ila saarnaa hal askari oo kaliya, weerarkaas qaawan waxaa uu ahaa mid qorsheysan waana Allah mahadiis waa nabad qabaa,' ayuuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi.

Axmed Maclin Fiqi oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa cambaareeyay falka lagu rasaaseeyay Mudanaha, isagoo ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso inay jawaab ka bixiyaan dhacdadan, sharcigan la horkeeno kuwii ka dambeeyay.

"Ciidanka qaranka inkastoo ay hawl adag iyo nafhurnino ku jiraan, haddana waa in laga qabtaa kuwa magacooda ku cayaaraya ee danaha siyaasdeed ee gurracan lagu fushado," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Lama oga illaa hadda sababta ka dambaysa Ciidamada dowladda inay rasaas ku fureen Gaariga Xildhibaanka, mana jirto wax war ah oo Wasaaradda amniga Xukuumadda kasoo saartey falkan.

3-dii bishii Maarso, 2017, Askari katirsan Ciidamada dowladda oo kamid ahaa Ilaalada Hanti-dhowrkii qaranka ayaa ku toogtey meel ku dhaw Aqalka Madaxtooyadda xilli habeen ah Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirka howlaha Guud.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM