Xildhibaan Xaabsade oo Muqdisho ku geeriyoodey

Image

January 25, 2015 (GO)- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaa xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa xalay ku geeriyooday magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu u dhintay xanuun uu muddooyinkii u dambeeyey la jiifey, iyadoo qaar kamid ah qaraabadiisu sheegeen inuu qabey xanuunada macaanka iyo dhiig karka.

Xaabsade oo kamid ahaa asaaseyaasha ururkii RRA, islamarkaana caan ka ahaa gobolada koonfur galbeed, waxaa la filayaa in gelinka hore ee maanta lagu aaso isla magaalada Muqdisho.

Sanadkii hore ee 2014, waxaa geeriyoodey ku dhowaad toban xildhibaan oo ka tirsanaa Barlamanka Soomaaliya, kuwaasoo badankood weeraro qorsheysan lagu diley, qaar kalena si dabiici ah u geeriyoodeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM

Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:06AM