Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Jawaari oo Go'aan cusub soo saaray

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanadii Mooshinka kasoo gudbiyay gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa caawa ku qabtey magaalada Muqdisho Shir Jaraa'id, oo ay uga hadleen go'aankooda.

Shirka Jaraa'id oo ka dhacay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho, ayaa Xildhibaanada waxay ku shaaciyeen in wali uu taagan yahay Mooshinka, islamarkaana ay sharci darro tahay in Gudiga joogtada uu go'aankooda waxba kama jiraan ka dhigo.

Cabdi Cali oo kamid ah Xildhibaanada Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jawaari uu markale ku xadgudubay Sharciga Baarlamaanka, maadaama sharci darro ay tahay in Mooshinka isaga soo gudbiyay uu Gudiga joogtada ah ka doodo ama furo.

Wuxuu sheegay in qalad ay tahay in Gudiga joogtada uu ka hadlo ama uu go'aan ka gaaro mooshinka, isagoo intaasi ku daray in Jawaari uusan ahayn gudoomiyaha Gollaha Shacabka, islamarkaana ay dooran doonaan Afhayeen cusub.

Xildhibaanada ka hadlay Shirka jaraa'id ayaa sheegay in laga been abuuray Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari, oo iyagoo jooga la sheegay inay ka laabteen saxiixa, waxayna intaasi ku dareen in Mooshinka uu socon doono illaa laga bedalo Jawaari.

Hadalka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya xilli galabta kulan uu Gudiga Joogtada ku yeeshay Villa Hargeysa uu ku go'aamiyay in mooshinka laga soo gudbiyay Jawaari uusan sharci ahayn, kadib markii uu buuxin waayay sharuudihii looga baahnaa uu ah inay soo gudbiyaan 92 Xildhibaan. Halkan ka akhri.

Waxa kaloo guddiga sheegay in 16 mudane ay ka laabteen Xildhibaanada markii hore saxiixay Mooshinka, oo gaarayay 107 kuwaasi oo ay ku jiraan Wasiirro iyo Wasiir ku xigeenka katirsan Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM