XOG: Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya oo socda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa wada mooshin ka dhan ah Guddoomiye Maxamad Cismaan Jawaari kaasoo ay ku eedayaan qodobo badan oo ka dhan ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha GO ka heley Xildhibaano ka tirsan aqalkaan ayaa sheegaya in tirada mudanyaasha saxiixey mooshinkaan ay ilaa hadda mareyso 140 xubnood kuwasoo filaya in maanta ilaa berri u gudbiyaan Guddoonka aqalka.

Xildhibaandaa hormuudka ka ah mooshinkaan ayaa waxaa ay kasoo jeedaan intooda badan Koonfur Galbeed kuwasoo raadinaya in Gudoomiye Jawaari la badalo.

Waraidaha Garowe Online oo wax ka ogaadey qodobada lagu eedeynayo Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa kamid ah; In shuruuc badan oo aheyd In aqalku ansaxiyo Gudoomiyihu hortaagan yahay; In shaqadii Barlamanada ay la wareegtey madasha madaxda Soomaalida kuwasoo howlihii uu qaban lahaa guddiyo gaar ah u saartey iney ka wada-xaajoodaan sida arimaha Dastuurka, Khayraadka iyo doorashooyinka Somaaliya; iyo In Gudoomiyaha Barlamanka uu curyaamiyey howlihii dib eegista Dastuurka kuwasoo uu afduubey Wasiirka Dastuurka.

Gudoomiyaha oo lagu eedeeyey qodobadan  kor ku xusan ayaa sidoo kale waxaa Xildhibanada aqalka aaminsan yihiin in madaxda hay’adaha fulinta kala shaqeeyo sidii aqalka wakiilada uusan qayb uga noqon laheyn howlaha dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Mooshinkaan ka dhanka ah Gudoomiyaha Barlamanka hadii Xildhibanadaan gudbiyaan sida sharcigu dhigayo Maxamad Cismaan Jawaari waxaa uu dhexfariisanayaa mudanyaasha kale inta doodiisu socoto.

Dhinca kale, Dowlada Fedraalka ayaa iyadu ka dhexmuuqan daba-ka riixista mooshinkaan iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu qayb ka yahay qorshahaan xilka looga tuurayo Gudoomiye Jawaari.

”Gudoomiye Jawaari ayaa isagu dhinaciisa diyaarinaya mooshin uu ka horgeeyo midka ka dhanka ah kasoo uu damacsan yahay in laga soo gudbiyo Ra’isal wasaaraha Soomaliya.” Sidaas waxaa GO u sheegey Xildhibaan diidey magaciisa oo ka tirsan aqalka Barlamanka Soomaaliya.

Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u baahan oo kaliya 40 xildhibaan, waxaana talaabadaan inuu qaado cabsi ka qaba mudanyaasha diidan Jawaari.

Kalfadhiga Baarlamaanka Federaalka oo furmey maalintii Sabtida [10-ka Maarso] ayaa dadka ka warhaya waxay GO u sheegeen inuu noqnayo mid siyaasado kala duwan saameyn ku yeeshaan shaqadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM