XOG: Muxuu isku casilay xoghayihii Wasaaradda Garagaarka DF?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cumar Macalin, oo ahaa Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu is-casilay.

Warqadda iscasilaadda, oo nuqul kamid ah ay uu arkay Warsidaha Garowe Online ayaa mas'uulkan sabab uga dhigay go'aankiisa dhibaatooyin uu sheegay inuu kasii wadi wayaay shaqadda.

Laakiin, macluumaad hoose oo GO helay ayaa sheegaya in Xoghaye Maxamed uu is-casilay kadib markii Xafiiska Hanti-dhowrka guud uu kusoo furay baarista Kiis la xiriira musuq-maasuq maaliyadeed.

Waxaa soo galay baaritaan lagu hayo Agaasiimiha Waaxda dib u dejinta Wasaaradda, Daahir Maxamuud Nuur kaasoo todobaadkii tagey la xiray kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday $84,000 oo dollar.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Xoghayaha is-casilay si xariga looga sii daayo Daahir u gudbiyey Dukuminti laga soo saarey Wasaarada kaasoo Hanti-dhowrku ogaadey inuu been abuur yahay, talaabadaan ayaa Wasiirka cusub ee wasaaradda ka warhayn.

Maxamed Cumar ayaa Daahir Maxamuud waxay yihiin qaraabo dhaw iyadoo xarigii Agaasime waaxeedkaan kadib baaritaano soo galeen xoghayahaan.

Xoghayaha is casiley ayaa wararku sheegayaan in Waraaq laga dhigey garoonka diyaardaha Muqdisho isagoo aan ka bixi karin magaaladaas.

Xariga Daahir ayaa dhaliyay muran, waxaana xabsiga loo dhigay Saraakiishii ciidanka ee isaga soo xirteu, iyadoo maxkamadda gobolka Banaadir ay sheegtay in wadadii loo maray xarigiisa ay ahayd mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Baaritaanada sida xowliga ku socda ee uu wado xafiiska Hanti-dhowrka qaranka ee lagu hayo Wasaaradaha iyo mas'uuliyiinta ka shaqeeya ayaa waxaa amray Madaxweyne Farmaajo, sida uu ogaadey Garowe Online.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii la waayay dhawaan lacag badan, oo lagu qiyaasay labo Milyan oo dollar taasoo loogu tala-galay howlgalkii xasilinta caasimadda iyo mushaarka ciidamada.

Waxaa la filayaa in dhawaan la isagu yeero Saraakiisha iyo Taliye-yaasha Ciidamada ee maamulayay dhaqaalahan la lunsaday, oo qeyb ka ah kiisaska musuq-maasuqa ee mudooyinkii dambe soo ifbaxay.

Soomaaliya ayaa mar walba safka hore ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, waxaana uu Ra'iisul Wasaare Khayre marar badan ku celiyay inuu la dagaalamayo musuq-maasuqa jilbaha dhulka u dhigay horumarka dhaqaale ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo daaha ka qaadey labo qorshe uu isku dhinac waddo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labadan qorshe waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:57AM

Dowlada Soomaaliya oo xayirtay akoonadii bangiyada ee Ururka SJS

SJS ayaa sheegtay in talaabadan ay ka dambeeyaan madaxda Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka.

  • Soomaliya

    16-04-2024

  • 04:38AM