Xog: Somaliland oo heshiis midnimo la gashay D. Federalka iyo PL

Image

July 7, 2015 (GO)- Mucaaradka Somaliland ayaa ku eedeeyey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, inay qaadatey nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, si hoosena heshiis arrintaas ku saabsan ula saxiixatey Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Shir-jaraa'id oo ay si wadajir ah magaalada Hargeysa ugu qabteen Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka ah Wadani iyo Ucid; Cabdiraxmaan Maxamed Cirro iyo Feysal Cali Waraabe, waxay ka sheegeen in arrintaasi tahay wax aad looga xumaado islamarkaana lagu sifeyn karo khiyaamo qaran, waa sida ay hadalka u dhigeene. DHEGEYSO

Eedeynta mucaaradka Somaliland ayaa imaanaysa maalmo kadib markii shabakadda sirta faafisa ee Wikileaks ay soo daabacday dukumiintiyo laga soo xaday sir-doonka dalka Sucuudiga, kuwaas oo cadeynayey in Somaliland (Feb 18, 2012) heshiis midnimo la gashay dowladdii kumeel gaarka ahayd, Puntland iyo qaar kamid ah mileeshiyaadka taabacsan dowladda Soomaaliya.

Dukumiintigaas oo Garowe Online uu helay nuqul kamid ah, waxa ku qoran sidan:

"Waxaa heshiis wada gaarey Dowladda Kumeel Gaarka ee Soomaaliya, Puntland, Somaliland iyo qaar kamid ah mileeshiyaadka dowladda tabacsan  taariikhdu markay ahayd Feb 18, 2012, heshiiskaas oo dhigayey in la dhiso baarlammaan cusub oo ka kooban labo gole iyo diyaarinta dastuur suuragal ka dhigaya nidaamka federaalka"

Qayb kamid ah dukumiintiga Wikileaks baahiyey:


Xukuumadda Somaliland oo qirtay in heshiiskaasi jirey!

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji oo maalmo kadib markii uu warkani soo baxay warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in heshiiskaasi jirey.

Xirsi ayaa  xusay in heshiiska Wikileaks baahisey uu si shaqsi ah isagoon cidna kala tashan ku saxiixay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, taasina ay tahay sababta keentay markii dambe xilka laga qaado.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland wuxuu sidoo kale sheegay in dhowaan dalka Sucuudiga ay booqan doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo), inkastoo uusan si rasmi ah u carro baabin xilliga ay wafdigaasi baxayaan.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 iclaamisey inay tahay jamhuuriyad madax bannaan oo ka go'day Soomaaliya inteed kale, inkastoo weli aysan helin aqoonsi caalami ah. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM