XOG: Xiriirka Thaabit iyo Madaxda sare ee Soomaaliya oo xumaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa heerkii ugu hooseeyey gaarey xiriirka u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre) iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Thaabit Cabdi Maxamed ka shaqeynayo arrimo siyaasadeed oo lid ku ah siyaasada dowlada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kamid ahaa xubnihii ololaha doorashadii Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa sida warsidaha GO ogaadey ku lug yeeshey barnaamijyo siyasadeed iyo musuqmaasuq kuwasoo aad ugu careysiiyey Madaxweyne Farmaajo.

Wararka laga helayo sababta keentey hoos u dhaca xiriirka labada dhinac ayaa sheegaya iney ugu horeeyaan kadib markii Guddoomiye Thaabit qaadey talaabooyin uu ku raadinayo in gobolka Banaadir amnigiisa noqdo mid ka madax banaan dowlada dhexe ee Soomaaliya halka dhinaca kale qabaa'ilka u badan magaalo madaxda Soomaaliya ku abaabuley barnaamij ay ku raadinayaan in Muqdisho yeelato maamul madax banaan.

Waxaa sidoo kale jira xogo sheegaya in Guddoomiyaha gobolka Banaadir si aan la xisaabtan laheyn ugu takri falo dhaqaalaha gobolka Banaadir isagoo ku bixaya mararka qaarkood dano siyaasadeed oo gaar u ah.

Guddomiyaha ayaa sidoo kale hoos u dhigey wadashaqeyntii kala dhaxeysay madaxda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra'iisul wasaare Khayre oo bilihii ugu horeeyey magacaabistiisa aad isagu dhowaayeen.

Gobolka Banaadir oo xuduudo la leh maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sida ku qoran Dastuurka KMG ah waxaa uu yeelan doonaa maqaam gaar ah kaasoo lagu sheegi doono qaab dhismeedka siyaasdeed ee laga rabo iney yeelato magaalo madaxda Federaalka ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu eedeeyey in dhul ay iska leedahay dowlada Soomaaliya u bixyey si gaar ah iyo shaqsiyasdeed taasoo khasabtey in Madaxweynaha Soomaaliya qoraal uu ku soo qoro bartiisa Twitter-ka amrey in arinkaan baaris lagu sameeyo.

Madaxweynaha Jamuuhriyada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa ku sheegey bartiisa twitter inuu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

“Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka JFS dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. "Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”ayuu Madaxweyne farmaajo ku soo gabagabeeyey fariin u muuqatey iney wajahan tahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir taasoo ku soo bandhigey bartiisa Twiter.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xilka Agaasimaha guud Madaxtooyada Soomaaliya soo noqdey xiligii xilka uu hayey Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa shaqadiisa waayey kadib markii khilaaf soo kala dhexgaley Farax Cabdulqaadir. 

Thaabit oo awoodaha siyaasadeed ee dalka ku soo galey madaama aad uu qoyska la ahaa Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa markii xilka agaasimaha guud laga qaadey waxaa loo magacaabey Qunsulka safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Mareykanka.

"Colaad siyasadeed ee u qaadey Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ah mida keentey inuu ku biiro ololahii siyasadeed ee ka dhanka ahaa Xasan Shiikh, isagoo dhinaca kale xil ka qaadistiisa Villa Soomaaliya kadib aad ugu dhowaadey Fahad Yaasiin oo markaas aan xiriir wanaagsan kala dhaxeyn Xasan Shiikh iyo Farax Cabdulqaadir," sidaasi waxaa GO u sheegey qof aad u og taariikhda siyaasdeed ee Thaabit.

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ee bartiisa Twiiter-ka ayaa waxay soo dhoweyneysaa wararka sheegaya in madaxda sare ee dowlada Federaalka qorsheynayeen asbuucyadii ugu dambeeyey in xilka ay ka qadaan Gudoomoyaha gobolka Banaadir, iyadoo talabadaan ay noqon doonta middii ugu horeysay ee lagu qaado qof ka mid ah kooxda siyaasdeed ee Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM