Xubno ka tirsan Al-shabaab oo gobolka Gedo lagu qabtey

Image

January 29, 2015 (GO)- Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee gobolka Gedo ayaa shaaciyey inay qabteen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Col. Cabdullaahi Maxamed  Abshir ayaa sheegay in dagaal ka dhacay duleedka Garbahaareey ciidamadu kusoo qabteen tiro dagaalyahano ah oo kooxdaas ka tirsan.

Sarkaalkan oon faah faahin ka bixin tirada rasmiga ah ee xubnaha ay qabteen wuxuu sheegey in dhowaan warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Bishii December ee sanadkii hore 2014 ayey ahayd markii uu ciidamada Dowlada Federaalka ee gobolka Gedo  isu soo dhiibey Zakariye Ismaaciil oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab oo laga saarey badi magaalooyinkii ay koonfurta dalka kaga sugneyd, waxay weli ka arimisaa deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo bishan horraanteedii warbaahinta la hadlay, wuxuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM