Xubno kasoo "goostay" Al-Shabaab oo lasoo bandhigay [Sawirro]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugidda Jubbaland, ayaa shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kusoo bandhigtay rag la sheegay inay kasoo goosteen Al-Shabaab, islamarkaana isku soo dhiibay maamulka Axmed Madoobe.

Saraakiisha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland waxay sheegeen in Xubnahaan oo gaaraya 12 ay isa-soo dhiibistooda ka dambeysay markii xiriiro la soo sameeyeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

"Ragaan waa kuwa Al-Shabaab uga dagaalamayey Baar-sanguuni iyo Cabdalla Biroole," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland.

Ma jiro war kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan inay jiraan Rag iyaga ka tirsan, oo kasoo goostay, islamarkaana isku dhiibay Jubbaland, oo dagaal ay ku jirto.

Hasa yeeshee, maalmihii udambeeyay ciidamadda xooga ee ku sugan deegaanada Jubbaland, oo ka garab ka helaya kuwa Daraawiisha, iyo ciidamo AMISOM iyo Mareykan ah ayaa dhaqdhaqaqyo ka waday halkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:31AM