Xukuumadda Somaliland oo isku shaandheyn lagu sameeyey

Image

February 28, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada, hoggaanka ciidamada iyo mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha kale ee dowladda hoos taga.

Wareegto kasoo baxdey madaxtooyada Hargeysa ayaa lagu shaaciyey magacyada todoba mas'uul oo xilka laga qaadey iyo mas'uuliyiin cusub oo lasoo magacaabay.

Waxaa sidoo kale wareegtada loogu mahadceliyey mas'uuliyiinta xilalkooda waayey oo la sheegay inay ku mahadsan yihiin dadaalka ay bixiyeen iyo shaqada hufan ee ay qarankooda usoo qabteen.

Mas'uuliyiinta xilka laga qaadey:

  1. Wasiirkii Shaqaalaha iyo Arimha Bulshada, Maxamuud Axmed Barre.
  2. Wasiirkii Wasaaradda Biyaha, Xuseen Axmed Cabdulle.
  3. Wasiir ku-xigeenkii xannaanada xoolaha, Cabdiraxmaan Jaamac Cabdulle.
  4. Taliyihii Ciidamada Badda, Axmed aw-Cismaan Cabdi.
  5. Abbaan-duulahii Ciidamada, Cabdullaahi Jaamac Calas.
  6. Agaasimihii Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Maxamed Muuse Cabdi.
  7. Guddoomiyihii Hay'adda Shaqaalaha Dowladda, Nuux Muuse Ducaale.

 

Wasiirrada la isku beddeley:
Wasiirkii Maaliyadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Waxbarashada, Zamzam Cabdi Aadan ayaa laysku bedeley. Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid waxaa loo wareejiyey Wasaaradda Dib u Dejinta halka Wasiirkii Xanaanada Xoolaha, Cabdi Aw-daahir loo soo magacaabay  Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada.

 

Wasiirrada lasoo magacaabay:

  1. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Axmed Cabdi Kaahin. 
  2. Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Baashe Cali Jaamac.
  3. Wasiirka xannaanada xoolaha, Cumar Maxamed Faarax.

 

Isku-shaandheyntu waxay si weyn u saameysey wasiir ku-xigeennada:

  1. Wasiir ku-xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha, Cabdidaahir Camuud.
  2. Wasiir ku-xigeenka maamulka gobollada iyo degmooyinka, Axmed Faarax Caddarre.
  3. Wasiir ku-xigeenka boostada iyo isgaarsiinta, Cismaan Garaad Soofe.
  4. Wasiir ku-xigeenka caafimaadka, Xasan Daahir Dhimbil.
  5. Wasiir ku-xigeenka deegaanka, Axmed Maxamed Nuur.
  6. Wasiir ku-xigeenka diinta iyo awqaafka, Nuur Cismaan Guuleed.
  7. Wasiir ku-xigeenka qorsheynta iyo horumarinta, Cabdikariim Axmed Mooge.
  8. Wasiir ku-xigeenka wershedaha Cali Axmed Maxamed.
  9. Wasiir ku-xigeenka xannaanada xoolaha, Cali Maxamed Cilmi.
  10. Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan.
  11. Wasiir ku-xigeenka war-faafinta Shukri Xariir Ismaaciil.
  12. Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada, Yuusuf Cismaan Garas.
  13. Wasiir ku-xigeenka cadaaladda, Cabdirashiid Xuseen Cabdulle.
  14. Wasiir ku-xigeenka dib-u-dejinta, Nimco Xuseen Qawdhan.
  15. Wasiir ku-xigeenka duulista hawada, Siciid Cabdi Maxamuud.
  16. Wasiir ku-xigeenka gaashaan-dhigga, Jaamac Cabdullaahi.
  17. Wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.
  18. Wasiir ku-xigeenka maaliyadda, Axmed Nuur Aw-Cabdi.
  19. Wasiir ku-xigeenka waxbarashada, Rashiid Ismaaciil Kaahir.

 

Agaasimeyaasha lasoo magacaabay:

  1. Mawliid Waris Cabdullaahi, Agaasimaha Wasaaradda Wershedaha
  2. Maxamed Faarax Xirsi, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada.
  3. Cabdi Axmed Nuur, Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga.
  4. Maxamed Cilmi Xuseen, Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka.
  5. Xasan Aadan Geedi, Agaasimaha Hay'adda Shaqaalaha.

 

Saraakiisha ciidamada:

Taliyihii hore ee ciidamada asluubta Jen. Maxamed Xuseen Faarax ayaa loosoo magacaabay taliyaha ciidanka badda, halka Jen. Maxamed Cismaan Xudhun loosoo magacaabay inuu noqdo taliyaha ciidamada asluubta. Cabdi Xirsi Ducaale ayaa isna loo soo magacaabay inuu noqdo abbaanduulaha guud ee ciidamada Somalialand.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM