Ajaanib laga masaafurinayo Somaliland

Image

HARGEYSA- Dad tiradoodu kor u dhaaftay illaa 300 oo qof oo ajaanib ah ayaa maanta la isugu geeyay xarunta laanta socdaalka ee Somaliland, kuwaas oo la qorsheeyay in loo amba-bixiyo deegaannada iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

Dadkan oo badankood kasoo jeeda dalka Ethiopia, ayaa dalbaday inay si tabaruc ah uga baxaan Somaliland, dowladduna ay ka caawineyso, sida uu VOA u sheegay taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf. 

Sida uu ku warramay Maxamed Cali Yuusuf, dadkan ayaa badankood ama waxaa ka dhacay sharcigii ay ku joogeen Somaliland, ama waxa ay si sharci darro ah ku joogeen Somaliland.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Somaliland ay kowda bisha Februarybillaabi doonto inay masaafuriso dhammaan dadka sida sharci darrada ah ku jooga Somaliland.

Warancadde ayaa ugu baaqay dadweynaha inay qaatana kaarka aqoonsiga Somaliland, kaasi oo noqon doono mid lagu kala saaro dadka Somaliland iyo kuwa sida sharci darrada ah ku jooga halkaas.

Halkan ka dhageyso warbixintaan

VOA

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM