​Barlamanka Somaliland oo cod u qaaday go'aanka Siilaanyo ee doorashada

Image

HARGAYSA, Somaliland- Barlamanka Somaliland ayaa maanta ka dooday ajandayaal ay kamid ah mida lagu kala qaadayo doorashada maamulkaasi ka dhici doonto sannadka 2017.

Kulanka golaha wakiillada oo shir guddoominayay, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxaa cod gacan taag ah la galiyay sida Xildhibaanadu u arkaan tallaabada uu qaatay madaxweyne Siilaanyo ee lagu kala qaadayo doorashada madaxtinimo iyo midda Barlamanka.

Kalfadhigan oo ay joogeen 59 xildhibaan, waxaana ogolaaday in doorashada madaxtooyada lasoo hormariyo 52 Mudane, Shan xildhibaan ayaa diiday, hal mudane ayaa diiday, gudoomiyuhuna ma uusan codeyn.

Naatijada kasoo baxday Aqalka golaha shacabka maamulkaasi, waxaa ka hadlay Baashe Maxamed Faarax oo sheegay intahay wax lagu farxo sida wanaagsan ee Xildhibaanadu u dhiibteed go'aankooda isagoo xusay in sidaa lagu ansixiyay tallaabada uu madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday doorashada Madaxtooyada iyo Barlamanka oo muddooyinkii dambe muran ka taagnaa.

Tallaabadan ayaa waqtiga u dheeraynaysa mudada Xildhibaanada, waxaana xusid mudan in kulankii saaka uu ka maqnaa Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo ku sugan magaalada Hargaysa, waxaana xogta uu helayo GO sheegaysaa inuu ka warqabay natiijada shirkii maanta sidaasina kasoo horjeedo siyaasadda xisbigiisa Wadani.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM