Somaliland oo 4 maalmood Internet-ka laga jari doono

Image

HARGAYSA, Somaliland- Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in guddiga Doorashooyinka Somaliland uu codsaday in gabi ahaanba Gobolada iyo degmooyinka maamulkaas hoos taga laga jaro internet-ka maalmaha lagu guda jiro codaynta iyo tirinta doorashada.

"Guddiga ayaa codsaday in internet-ka la jaro, iyagoo ka walaacsan xaalada dalka iyo qaabka wax u dhici karaan, runtii waa markii ugu horaysa saddex murashax oo saamaynta intaas le'eg ku leh bulshada Somaliland ay tartamaan taas ayaa walaaca keentay, ciidamada heegan ayaa la galiyay," sidaas waxaa yiri qof xog ogaal ah oo magaciisa codsaday inaan la shaacin.

Shirkadaha Internet-ka bixiya iyo qaybaha ay khusayso ayaa la qaatay go'aankan kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

"Waan qaadanay go'aanka Guddiga iyo tala soo jeedinta ay sameeyeen, waxaan sugaynaa marka ay noo soo diraan Email oo ay dhahaan jara internet-ka," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay mid kamid ah maamulka shirakaadka bixiya adeegaas oo ku sugan Hargaysa.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in qorshahan uu bilaaban doono Isniinta soo socota 13 Novermber, waxayna ku egtahay 17 Isla bishaan.

Muddo 4 cisho ah gabi ahaan lagama isticmaali doono deegaanada Somaliland wax internet ah, taasoo meesha ka saari doonta in la helo xogaha doorashada iyo qaabka wax u socdaan.

Lama oga in qorshahan ay la qaadan doonaan axsaabta siyaasadda Somaliland.

Waa markii ugu horaysay muddo intaas le'eg Internet-ku maqnaado Somaliland oo ka go’dey Soomaaliya inteeda kale 1991. 

Qorshahan waxaa dadka wax odorasa sabab uga dhigayaan loollanka murashaxiinta iyo taageerayaashooda oo maraya meeshii ugu sarraysay, waxaana tallaabada loo sameeyay iyadoo ay jirto Cabsi dhinaca amniga ah.

Marka ay dhammaato tirirnta codadka ayaa la filayaa in la sii daayo Internet-ka.

Lama oga xisbiga guulaysan doona, balse murashaxiinta madaxtooyada u tartamaya ayaa booqasho wali ku maraya gobollada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE ayaa la filayaa in maalinta Khamiista uu sameeyo iso soo baxiisii ugu dambeeyay magalaada Hargeysa halka xisbiga Wadani tageerayaashiisu ka banaanbaxeen Ceerigaabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM