Diiwaangalinta codbixiyaasha Somaliland oo dib loo dhigay

Image
Image

HARGAYSA-Madaxweynaha Somaliland oo kaashanaya labada gole ee Barlamanka iyo Guurtida oo weheliyaan xubno matalaya saddex xisbi siyaasadeed ayaa go'aan ku gaaray in muddo bil ah dib loo dhigo waqtiga diiwaan galinta codbixiyaasha doorashooyinka maamulkaasi.

Kahor intaan go'aanka la gaarin dhinacyada ayaa madaxweyne Siilaanyo u akhriyay qodobo muhiin loo arkay kuwaasi oo la doonayay in la isku waafajiyo diiwaangalinta iyo taakulaynta dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynuhu waxa uu hoggaanka Axsaabta, guddida doorashooyinka iyo shirguddoonka labada goleba u sharraxay baahida loo qabo in diiwaangelinta la joojiyo si loogu gacan baxo caawimo wax ku ool ah oo la gaadhsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen,

“Waxaa isoo gaartay talooyin badan oo farta ku fiiqaya in loo baahan-yahay in wakhti kooban la hakiyo diiwaangalinta si loogu gacan baxo gurmadka abaaraha. Arrintaa darteed, waxaan jecelahay innaga oo aan is tuhmin in aynu talo wadaag ka yeelanno,”Ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Dood iyo wada hadal dheer kadib waxa dhinacyadu isla garteen in diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu waday inay horraanta bisha soo socota ee April gobolka Maroodijeex ka bilaabato dib loo dhigo, isla-markaana muddo bil ah aan haba yaraatee wax diiwaangelin ah la samaynin.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan dib u dhiggistaas diiwaangelinta lagu sameeyey, iyagoo sababtana ku sifeeyay in gobolladii abaartu sida weyn u saamaysay hore loosoo diiwaangeliyey, isla-markaana aan haatan dib u dhac loo baahnayn.

2-da bisha April ee sanadkan, ayaa diiwaangelinta codbixiyayayaashu waxa ay ka qorshaysnayd gobolka Maroodijeex, balse waxa la isla gartay in 2-da bisha dambe ee May diiwaangelintu bilaabmi doonto, iyadoo muddadaas bisha ahna gargaar iyo mucaawimo waxtar leh la gaarsiin doono dadka abaaruhu saameeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM