Diyaarad shalay loo diidey Garoonka Hargeysa oo Maanta ka Degtey

Image

HARGEYSA, Somaliland - Diyaaradaan oo ay la socdeen 50 dhalin-yaro oo Soomaali oo dhawaan laga soo celiyay wadanka Liibiya ayaa waxay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeday magaalada Hargeysa.

Badi dhalinyarada saarneed diyaarada waxay kasoo jeedeen deegaanada Somaliland, laakiin mas'uuliyiinta Somaliland, gaar ahaan kuwa duulimaadka Hawada, ayaa u diiday diyaaradda inay caga dhigato Garoonka Cigaal International Airport.

Warar ayaa sheegaya in xitaa maamulka garoonka Hargeysa loo sheegay in diyaarada aysan haysan Shidaal ku filan, sidaas darteeda ay muhiim tahay inay degto, laakiin ay ka dhago adeegdeen baaqaasi.

Diyaaradda ayaa waxay shalay ka degtay garoonka magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland, halkaasi oo maanta ay uga sii duushay dhinaca Hargeysa markii loo ogolaadey inay ku degi karto Garoonka Cigaal International Airport.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarrada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in sababta loogu diiday diyaarada shalay inay caga dhigato Hargeysa ay ahayd in aysan Madaxda Garoonka cidna aan lagu wargelin imaanshaheeda. 

Sikastaba, arrintaan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadoo xiisad ay u dhaxeyso Puntland iyo Somaliland ka jirto Tukaraq, taasoo salka ku haysa muran dhanka maamulka gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM