Faysal Waraabe oo shaaciyay ujeedka uu uga qeybgalayo shirka Brussels

Image

BRUSSELS - Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday in shirka Brussels uu ku matalayo maamulka Somaliland, xilli Madaxweyne Muuse Biixi sheegay shalay in maamulkiisa uusan waxba ka galin Shirka.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in ujeedkoodu yahay inay kala hadlaan Beesha Caalamka iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sababta ay u joojinayaan qoondadii dhaqaalaha ee deeqaha caalamka ee la siin jiray Somaliland.

Faysal ayaa tilmaamay in shirkaan uu ku wehlinaya Madaxweynaha maamulka Khaatumo garabka la midoobay maamulka Somaliland, Cali Khaliif Galeyr, islamarkaana ay kusoo biirayaan Wafuud kale.

"Halkaan waxaan u nimid inagoo matalayna Somaliland. Waxaana dooneynaa inaan Beesha Caalamka kala hadlno sababtey ujoojiyeen deeqaha la siiyo Somaliland, taasoo heshiisku ahaan inaan la siyaasadeen," ayuu u sheegay warbaahinta Faysal.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ku nuux-nuux saday in shirkaan ay u yimaadeen inay soo dhiciyaan xaqa uu sheegay in la dood-siinayo Somaliland.

Hadalka Faysal Waraabe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maamulka Somaliland, gaara ahaan Xafiiska Muuse Biixi war laga soo saarey lagu sheegay in shirkaan aanu qusayn maamulkooda, ayan ka madax banaan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar sii horeysay ka dalbatay Beesha Caalamka inay hakiso lacagaha ay siiso Somaliland, taasoo ka dhex-abuurtay xubnaha Wasiiradda xukuumadda Khayre khilaaf xoogan.

Talaabaddan uu qaaday Faysal Waraabe ayaa waxaa nan la gayn wuxuu kala kulmi doono maamulka Muuse Biixi marka ay dib ugu laabtaan magaaladda Hargeysa, waxaana si wayn loo dhowrayaan waxa dhici dooona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM