Hargaysa: Murashaxiinta Somaliland oo dooday

Image

HARGAYSA, Somaliland- Murashaxiinta maamulka Somaliland ee saddexda ah ayaa xalay isugu yimid dood ka fool ka fool ah oo ay uga hadlayeen wax qabadkooda iyo sida ay u maamuli doonaan deegaanada Somaliland hadii ay ku guulaystaan doorashada dhici doonta 13 Novermber.

Saddex murashax ee kala ah Muusa Biixi Cabdir [KULMIYE], Faysal Cali Waraabe [UCID] iyo Cabdiraxmaan Cirro [WADDANI], ayaa isku arkay dooda xalay dhacday taasoo socotay in kabadan 4 saacadood, waxaana si toos ah looga daawanayay warbaahinta iyo baraha bulshada.

Dadka Somaliland ayaa muddo sugayay dooda murashaxiinta oo ay u arkayeen mida lagu qiyaasi karo mas’uul walba wax qabadkiisa.

Dooddan oo aheyd tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee musharixiinta madaxtinimo ee Somaliland ay yeeshaan ayaa musharax kasta lagu waydiiyay arrimo ku saabsan doorashadiisa, waxaana wax laga weydiiyay arrimaha dhaqaalaha, waxbarashada, siyaasadda arrimahada dibadda iyo amniga qaranka wax laga waydiiyey siday wax uga qabanayaan.

Su’aalihii ugu adkaa ayaa la is oran karay inay ahaayeen; Sida loo kala saarayo dimuqraadiyada iyo qabyaaladda, wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, maamulka hawadda sare ee Soomaaliya, muddo kordhintii soo noqnoqotay ee ay samaynayeen madaxdii talada isaga dambaysa iyo waliba murashax kasta waxa uu kaga duwanyahay kan kale.

Wariyaasha xiriirinayay dooda ayaa la dhaariyay kahor intaysan tagi goobtii loogu talo galay, waxaana markii ay soo dhammaatay dadweynuhu arrimihii dhacay aad ugu falanqeeyeen baraha bulshada taasoo u muuqatay in qof kasta xisbigiisa difaacayay.

Lama oga qofka guulaysan kara, balse saddex murashaxa ayaa soo bandhigay jawaabo wanaagsan iyagoo mid kasta uu si barax la’a u sheegay inuu wax ka qaban doono xaaladda Somaliland hadda ku sugantahay.

Murashax Cirro ayaa aad ugu dheeraaday inuu boqolkiiba boqol iyo wax ka badan kordhin doono mushaharka ciidamada, shaqaalaha islamarkaana caafimaadka bilaash ka dhigi doono hadii la doorto, halka Biixi oo ballan qaaday howlaha wanaagsan ee xukuumadiisu qabatay uu meel wanaagsan gaari doono. Balse Faysal Cali Waraabe ayaa ka gedisanaa labada mas’uul wuxuuna jawaabihiisa u bixinayay inuusan ka beeg sheegi doonin wax qabadkiisa balse uu xooga saari doono hormarka ballan qaadka uu hadda samayayna ka dhabayn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM