Jabuuti oo fahfaahisay heshiisyo ay la gashay Somaliland

Image

JABUUTI - Dowladda Jabuuti ayaa sharaxaad ka bixisay heshiisyo ay la gashay Somaliland, kadib socdaal ay dalkaasi ku tageen wasiiro ka socda Hagreysa.

Abdi Yuusuf, wasiirka warfaafinta iyo boostada Jabuuti ayaa shaaciyay heshiisyadaan ay yihiin kuwa lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac.

Heshiisyadda ayaa ah kuwa ku saabsan dhinacyadda isgaarsiinta, tiknoolajiyadda iyo arrimaha boostadda.

Cilaaqaadka Somaliland iyo Jabuuti ayaa sii xoogeysanaya tan markii uu isbedal ka curtay gobolka Geeska Afrika, taasoo dhalisay su’aallo dhowr ah.

Wasiir Cabdi oo sii hadlaya ayaa wax laga waydiiyay sababta keentay in dowladiisu xiriir dhow la yeelato maamulka gooni isu taaga ah.

"Waqtiga iyo waayaha oo isbedalaya ayaa sabab u ah," ayuu Wasiirku u sheegay laanta af Soomaaliga ee VOA-da.

Dhinaca kale, Cabdiwali Cabdullaahi, wasiirka isgaarsiinta Somaliland, ayaa rajo ka muujyay in ay dhaqan galaan heshiisyadaasi.

"Waanu uga mahad-naqeynaa dowladda Jabuuti sida ay noo garab taagan yihiin, waxa naga dhaxeeya waa walaaltinimo," ayuu ku daray.

Somaliland oo sheegata madax banaani tan iyo 1991-dii ayaa ku hungowday aqoonsi caalami ah, wallow aanu dadaal u yareen.

Wasii Cabdiwali ayaa la su’aallay in maamulkiisa uu ictiraaf ka raadinayo Jabuuti ayaa nan meesha ka saarin inkasta oo uu ka meeray jawaab sax ah.

"Way jiraan dalal aan ictiraaf ka raadineyno…balse Jabuuti waxaanu nahay isku dhaqan iyo isku dad," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM