​Madaxweynaha Somaliland oo safar u baxay

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hoggaaminayo, ayaa u socdaalay dalka Djibouti, halkaas oo ay kaga qaybgeli doonaan Caleemo-saarka loo samayn doono madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo qorshaysan maalinta Axadda ah ee bishan May tahay 8-da 2016-ka.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo laga soo saaray safarka madaxweynaha, waxa martiqaad rasmi ah u soo diray xukuumadda Djibouti, waxana xubno madaxweynaha raacay kamid ah; Marwadiisa 1-aad, Aamina Sheekh Maxamed, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Cali Axmed Cali, Guddoomiyaha iyo murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka, Mudane, Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, iyo Dalxiiska, Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Hawlaha Guud, Guriyaynta iyo Gaadiidka, Mudane, Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan).

Sidoo kale qoraalka safarka madaxweynaha lagaga hadlayo ee madaxtooyada kasoo baxay, ayaa waxa lagu sheegay in isla toddobaadkan gudihiisa madaxweynaha iyo wafti uu wataa u bixi doonaan waddanka isu tagga Imaaraaadka Carabta, iyadoo uu martiqaad u soo diray Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Raiisal Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta, ahna Xaakimka Dubai, Amiir Muxammed Bin Raashid Al Maktuum.

Kulanka madaxweyne Siilaanyo iyo Waftigiisu la yeelan doonaan madaxda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saari doono kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan Saaxil, siiba magaalo marseedka Berbera, oo la doonayo inay xuddun u noqoto isku xirka Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika, marsooyinka gobolkana la tartanto ama ka horreyso.

Waxa wax laga qabanayaa, haddii Allah yidhaahdo, korontada Magaalada Berbera, madaarka, kastamada, dhinaca Dalxiiska, shaqo abuurka, tababarro shaqaalaha Dawalddu ka heli doonaan Imaaraadka, kuna jirto kordhinta maamul wanaaggu, iyo guud ahaanba mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha Somaliland.

Caleemo-saarka madaxweynaha dalka Djibouti, ayaa waxa sidoo kale ka qaybgeli doona oo lagu casuumay madax tiro badan oo katirsan maamullada Soomaalida iyo kuwa dawladda federal-ka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM

Itoobiya oo u dhaqaaqdey fulinta heshiis beenaadkii Somaliland

Talaabadan ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku sugan yahay Kenya halkaas oo uu kawado olole xoogan.

  • Somaliland

    28-02-2024

  • 04:51AM