​Madaxweynaha Somaliland oo safray

Image
Image
Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed "Siilaanyo" iyo wefti kooban oo hoggaaminayo, ayaa safar ugu amba-baxay dalka Kuweyt martiqaad rasmi ah ka helay. 

Waftiga uu hoggaaminayo madaxweyne siilaanyo, ayaa diyaarad gaar ah oo dalka Kuwait looga soo diray ka raacay madaarka Cigaal International Airport, waxana la filayaa inay kulamo dhexmaraan Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah oo isagu madaxweynaha u fidiyey martiqaadkan.

Xubnaha safarka ku wehelinaya Siilaanyo, waxa kamid ah Marwadiisa, wasiirka madaxtooyada, maareeyaha dekedda Berbera iyo xoghayihiisa gaarka ah. 

Dawladda Kuwait, ayaa xidhiidh fiican la leh Somaliland, waxayna qayb weyn ka qaadatay dib u dhiska lagu sameeyey madaarrada Hargeysa iyo Berbera. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM