Madaxweynihii hore Nigeria oo booqasho ku tegay Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo oo dalkaas madaxweyne ka soo noqday intii u dhaxeesay sanadihii 1999-kii ilaa 2007-dii ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland.

Madaxweyne Obasanjo ayaa garoonka magaalada Hargeysa waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirada, duqqa caasimada, mas'uuliyiin katirsan axsaabta siyaasadda ee Somaliland, waxaana uu booqasho ku tegay xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, halkaas oo uu kula kulmay saraakiil katirsan laamaha kala duwan ee dowladda oo ay kamid yihiin waaxda garsoorka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay madaxweynihii hore ee Nigeria, oo madaxda maamulkaas ay shegeen in booqashadiisu ay tahay mid rasmi ah.

Kulan uu Obasanjo halkaas kaga qeyb galay ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxweynaha Somaliland, shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray, wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, islamarkaana lagu sharraxay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay.

Obasanjo oo ah guddoomiyaha Hay'adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn u bogaadiyay midnimada uu sheegay inay ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Obasanjo ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimid ay salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida.

"Waxaan halkan u imid in aan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxaad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxaana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.", ayuu yiri Obasanjo.

Kullankaas ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo si weyn ugu mahadnaqay Obasanjo, isagoona ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay.

Olusegun Obasanjo ayaa horay uga soo qeyb qaatay dedaallo nabadeed oo uu ka sameeyay dalal ay kamid tahay Kenya, oo sanadkii 2007-dii uu ka dhacay qalalaase ka dhashay doorashadii lagu murmay.

Magaalada Hargeysa ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa aad ugu badnaa socdaalka ay ku tagayaan diblumaasiyiin iyo siyaasiyiin heerkoodu sarreeyo oo ka kala socday dalal iyo hay'ado kala duwan.

Waxaa siyaasiyiintaas socdaallada kala duwan ku tagay Hargaysa kamid ah, Xoghayahii hore ee difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson, oo 6-dii Janaayo ee sanadkan booqasho ku tagay Hargeysa, isagoo halkaas wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Wadahadallada Gavin Williamson, uu la yeeshay madaxda Somaliland ayaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Dhanka kale waxaa 19-kii Maarso booqasho taas lamid ah magaalada Hargeysa ku tagay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Osman Saleh.

Wafdiga wasiirka oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa ayaa wadahallo halkaas kula yeeshay Madaxweyne Muuse iyo xubno ka tirsan goleyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale socdaallo kuwaas lamid ah Hargeysa ku tagay saraakiil kala duwan oo ka socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Hay'ado kale oo calaami ah, ayadoo ay halkaas booqdeen danjireyaal kala duwan oo caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo dawladaha kale ee gobolka.

4-tii bishii Abriil, ayaa waxaa Somaliland tagay danjireyaal matalayey dalalka Denmark, Midowga Yurub, Finland, Norway, Sweden, Switzerland iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, madaxda Xisbiyada mucaaradka ah, baarlamaanka, guddiga doorashooyinka iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM