Muddo kordhin loo sameeyay Gollaha Wakiilada Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xildhibaanada Gollaha Guurtida ee maamulka Somaliland oo maanta oo Isniin ah kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa muddo ukordhin usameeyay Aqalka Wakiilada oo uu mudada xileedkii ka idlaaday.

Fadhiga oo ay soo xaadirtay 70 mudane ayaa waxaa shir gudoominayay Afhayeenka Aqalka, Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo ay garab fadhiyeen ku xigeenadiisa oo shir gudoonka qayb ka ah.

Soo-jeedintaan muda kordhinta oo ka timid badi mudanayaasha, taasi oo cod loo qaaday ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay in 69 Xildhibaan ay ogolaadeen, iyada oo uu ka aamusey mudane.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Fadhigii maanta gabi ahaanba laga hor-istaagay inay qayb ka noqdaan 7-sharcidejiye, kuwaasi oo si wayn kaga soo udhaliilsanaa Hindisaha muddo kordhinta.

Mudada kordhinta oo ah Sagaal [9] bilood ayaa ku eg 12-ka bisha December ee sanadkaan, markaasi oo loo mudeeyay inay qabsoonto doorashada Gollayaasha Baarlamaanka maamulkaan gooni isku taaga ah.

Waa markii 5aad oo muddo kordhin loo sameeyay Gollaha Wakiilada Somaliland oo la doortay 2005-tii, iyado muda xileedkooda uu ku ekaa 2010-kii, markaasoo ay baaqatay doorashadii loo balan-sanaa.

Gudoomiye Saleebaan oo Fadhiga kadib hadlay ayaa wacad ku maray inaanu dib dambe udhici doonin muddo kordhin, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay qabsoonto cod-bixinta loo madal-san yahay.

Somaliland oo sheegata inay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, balse, aanan wali helin aqoonsi caalami ah, ayaa degaanadeeda waxaa doorashada coddeeya dadwaynaha, taasoo lagu amaano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM