Muuse Biixi oo dabciyey mowqifkiisa wadahadalka Somaliland iyo DF

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dabciyey mowqifkiisa ku aadan wadahadalka dowlada federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo maamulkiisa.

Isaga oo ka hadlayay dabaaldega 28-sano guurada markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, Biixi ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadaxajaoodka labada dhinac.

"Aan soo afjarno kala aragti-duwanaanshiyaha tobanka sano socota ee aan macnaha lahayn, oo aan wadaadno, derisnimo, nabad, maalgelin iyo ganacsiga labada shacab," ayuu hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah yiri.

Wadahadalka Soomaaliya-Somaliland ayaa hakad ku jira muddo afar sano ah tan iyo markii wareegii ugu dambeeyay lagu qabtay Turkiga sanadkii 2015-kii, wallow aysan jirin wax natiijo ah oo ay isla garteen darafyada.

Kahor isu-imaatinka, madaxweyneyaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Siilaanyo, ayaa December 2014-kii ku kulmay Jabuuti kadib heshiisiin 2013-kii ka dhacday Turkiga.

Xukuumadaha cusub ee laba dhinac ka jira ayaa nan wax talaabo oo muuqata ka sameynin arrinta wadaxaajoodka xili Beesha Caalamka ay ku baaqeyso in dib loo bilaabo dedaalada midnimadda.

Wadahadalka oo kasoo bilowday Shirka Arrimaha Soomaaliya ee London oo Febraayo 2012-kii lagu qabtay Lancaster House ayaa ahaa midkii ugu horeeyay oo Soomaalida loo qabto tan 1991-dii.

Xeel-dheerayaasha siyaasada tilmaamaya in dhinacna uusan siinin wadahadalka ahmiyada uu mudan yahay. Ka go'naanshiyo la’aanta iyo in aysan dhab ka ahayn waxay fashilisay kulamadii UK, Jabuuti iyo Turkiga.

Aragtida Somaliland ee ah in ay noqoto dowlad madax banaan ayaa dharbaaxo ku ah xukuumada Muqdisho oo qudheeda ku doodeysa "Midnimada Soomaaliya waa muqadas". Kuwani waa doodaha xasaasiga ee wadahadalka hareeyay.

Waqti xaadirkaan, dalal ay ku jiraan Eritrea, Jabuuti, Turkiga, Itoobiya iyo qaar kamida wadamada Yurub ayaa muujiyay xiisahooda ku aadan in ay doonayaan fududeynta wadaxaajoodka Soomaaliya-Somaliland.

Doorka saaxiibada caalamka ee taageerida wadaxaajoodka ayaa kaliya ku kooban fududeyn, waxaana dadka Soomaaliyeed ay rajeynayaa in ay darafyada ay wareega ugu dambeeya heshiis wadagaari doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM