Muuse Biixi oo ka hadlay Maxaabiista lagu qabtay dagaalka Tukaraq

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ahaa in xabad joojin ay ka dhaqan-gasho Aaga Tukaraq.

Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyadda isku haya Tukaraq [Puntland iyo Somaliland], ay khilaafkooda ku xaliyaan wadahadal, islamarkaana ka fogaadaan wax kasta oo horseedaya inuu dagaal dhexmaro markale.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay mar walba inuu wadaxaajood ka gallo colaadda gobolka Sool ee kala dhaxeysa Puntland, taasi oo beesha caalamka iyo dowladda Federaalka labada dhinac ka codsadeen in lasoo afjaro.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Cabdiwali Gaas in uusan diyaar u ahayn wadahadal, kadib markii uu ku dhawaaqay dhawaan in qori-caaradiisa ay Somaliland uga saarayaan degaanada ay ka haysato.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu Muuse Biixi shaaca ka qaaday in Maxaabiistii ay ku qabteen dagaalada Tukaraq ay qoysaskooda kusoo booqan karaan Xabsiyadda Somaliland, balse ma uusan sheegin waqtiga ay sii deyn doonaan.

Somaliland ayaa dagaal ku qabsatay degaanka Tukaraq, ee Sool bishii January ee 2018 kadib markii ciidamadeeda ay weerar gaadmo ahaa oo ay kusoo qaadeen Tuuladda, halkaasoo horey u joogeen ciidamada Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadalkaan sheegay kadib kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay Wafdi ka socday Hay'adda laanqayrta cas ee dalka Ingiriiska, kaasi oo arrimaha maxaabiista iyo colaadda Tukaraq ay kawada hadleen.

Beesha Caalamka ayaa xusul duub ugu jirta sidii ay u qaboojin lahayd colaada Tukaraq iyo guud ahaan gobolka Sool, taasoo hadda u muuqata mid cirka isku sii shareereysay, maadaama aysan muuqan ifafaallo nabadeed iyo qorshe wadahadal.

Todobaadkan maamulka Hargeysa ayaa ku eedeeyay ciidamada difaaca Puntland inay dileen Taliyihii Taleex, ayna dhaawaceen duqii Magaaladaasi, iyadoo wasiir katirsan Xukuumadda Muuse Biixi ku hanjabey inay jawaab ka bixin doonaan weerarka.

Talaabooyinkaan ugu dambeeyay ayaa waxaa loo arkaa inay yihiin kuwa sii hurinaya colaadda Tukaraq, iyo midda gobolka Sool, waxaana ay kasoo horjeeda baaqyadda nabadda ee loo jeedinayo Puntland iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM