Muuse Biixi oo si kulu u dhaliilay mucaaradka Somaliland [DAAWO]

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhaliilay hogaamiyaasha xisbiyadda mucaaradka ee WADDANI iyo UCID inay kala shaqeeyaan xisbiga taladda haya ee KULMIYE sidii ay u qabsoomi lahayd doorashadda Gollayaasha Baarlamaanka iyo Degaanka.

Doorashooyinka oo bilaha nagu soo food leh qorshuhu yahay inay dhaco ayaa qarka inuu dib u dhac ku yimaado, sababtoo ah khilaafka dhinacyadda ku lugta siyaasadda maamulkaan, taasoo uu muujiyey Biixi inay tahay mid suurtagal ah.

Xisbiyadda mucaaradka, gaar ahaan WADDANI ayuu cod dheer ku qeexay Biixi inuu shuruudo adag ku xiray ka qaybgalka doorashadda oo ay ugu horeyso in la kala diro Guddiga Doorashadda, taasi oo uu xusay Biixi inay tahay wax ka baxsan awoodiisa.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday in Gudoomiyaha WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro oo ay yeesheen kulamo dhowr ah uu diiday soo bandhigista waxybaaha ay ku dhaliilsan yihiin Guddiga Doorashada.

Mar uu soo hadal-qaaday arrimaha dhaqaalaha ayuu daboolka ka qaaday in doorashada ay ku baxayso aduun dhan 16 milyan oo Dollar, taasoo Afar kamid laga rabo xukuumada, halka inta badan oo Deeq-bixiyaasha bixin lahaayeen ay dib u dhigeen.

“Deeq-bixiyaashii lacagta bixin lahaa waxay sheegeen in marka hore ay muhiim tahay in xisbiyaddu ay ku heshiiyaan doorashadda iyo qabkeeda,” ayuu hadalkiisa kusii daray Biixi, oo intaas raaciyay “Halkaasi waxaan ku wayna taageeradii.

Ugu dambeyntii, Madaxwayne Biixi ayaa ugu baaqay Xisbiga WADDANI in hadii aan ku qanac-saneen doorashadii uu isaga kusoo baxay uu dacwad ka furto maxkamadda, xili uu ku eedeeyay Cirro inuu marin habaabiyey taageerayaasha xisbigiisa.

"Wali way u rufaran tahay inay maxkamad geeyaan. Xitaa hadday dhacdo dib haloo tiro, dadka iyo dalka aan ka saarno kala qob-qobsanaanta. Cirro markii uu ku dhawaaqayey inuu tanaasulay shaki ayaa ku jira hadakiisa, waana inuu cadeeyaa," ayuu hadalkiisa kusii daray Biixi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM