HARGEYSA, Somaliland - Saaxiibada Caalamka ayaa soo dhaweeyay doorashooyinka ka dhacay Somaliland gaar ahaan guulaha ay soo hooyeen dhalinyaradda iyo kooxaha laga tirada badan yahay.
Daneeyeyaasha ayaa sidoo kale waxay walaac qoto dheer ka muujiyeen metelaad la'aanta haweenka iyo in aysan guuleysan dumar badan oo isu soo sharaxay baarlamaanka iyo dowladaha Hoose.
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa kala wareegay xisbul xaakimka KULMIYE kaasoo lumiyey aqlabiyada golaha wakiilada taasoo khatar ku ah masiirka iyo soo laabashadda madaxwayne Muuse Biixi.