QM oo ka hadashay qorsha deeqaha looga jarayo Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Peter De Clercq ayaa ka hadlay markii ugu horeysay qorshaha dowladda Federaalka ku dooneyso in deeqaha dhaqaale ee Beesha Caalamka laga joojio Somaliland.

De Clercq ayaa sheegay in dalabka Xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada aan wali laga gaarin go'aan, wallow uu xaqiijiyay inay jiraan dadaalo ay iyaga wadaan, kuwaasoo ah inay sii jiro qorshahaas, kaasoo uu sheegay inay muhiim u arkaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday in taageeradda Qaramadda Midoobay ay tahay mid ay ku bixin doonan meesha ugu muhiimsan oo ee looga baahan yahay, ha ahaato Soomaaliya ama Somaliland.

"Aniga waxaan jeclaan lahayn inuu sii jiro heshiiskaan, laakiin wali waxaa ka jira muran, kaasoo aan xal laga gaarin. Balse, ujeedkeenu wuxuu marka hore ahaa in si rasmi ah loo dhaqan geliyo, oo la joogteeyo taageeradda sida gaarka ah loo siiyo Somaliland," ayuu yiri De Clercq.

Dhowaan ayay soo baxday in beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku kala aragti duwan yihiin arrintaas iyadoo dawladda Soomaaliya ay doonayso in aan la cusbooneysiin heshiiska Somaliland ku helaysay tan iyo 2013 qoondada deeqaha, kaasi waqtiaga aka dhacay 2016.

- Qorshaha QM ee ka dhanka ah Al-Shabaab -

Dhinaca kale, Peter De Clercq wuxuu ka hadlay Istaariijiyadda Qaramadda Midoobay ee ku wajahan Al-Shabaab, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay doonayaan in gabi ahaanba looga sifeeyo dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku daray hadalkiisa in khatarta Al-Shabaab ee haatan aysan ahayn mid buuran, isagoo cod dheer ku sheegay in aysan jirin halis Kooxdan waqti xaadirkaan ku hayso dowladnimadda Soomaaliya.

"Istaariijiyadda Qaramadda Midoobay ee ka dhanka Al-Shabaab, waa fidinta awooda dowladda, taasoo ku dhaamata inay guud ahaan iyadda maamusha deegaanadda kala duwan ee dalka," ayuu raaciyay hadalkiisa De Clercq.

Ugu dambeyn, Peter De Clercq oo soo hadal-qaaday weeraradii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay Muqdisho shalay oo Axad ahayd, waxaana uu ku tilmaamay kuwa "nafula-caarnimo ah", oo muujinaysa awoodda Al-Shabab inay hoos u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM