Shir ka furmay magalada Hargaysa

Image
Image
Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa si rasmi ah u daah furay shirweynaha 9-aad ee isu duwidda deeqaha Somaliland, kaas oo ay kasoo qayb galeen wufuud sare oo ka socday beesha caalamka.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay, waxana uu faahfaahin ka bixiyey wada-shaqaynta ay xukuumaddiisu la leedahay beesha caalamka, isagoo ugu mahadnaqay cid kasta oo kalmadaas gacan ka geysata.

Madaxweynuhu waxa uu madashaas ka sheegay in deeqaha beesha caalamku Somaliland siisaa ay kor u qaadeen nolosha muwaadiniinta maamulkaasi.

Siilaanyo ayaa codsaday in la oofiyo ballamo horay loo galay, kuwaas oo ay ka mid tahay kharashaadka diiwaangelinta iyo midda doorashooyinka soo socdaba.

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu carrabka ku dhuftay in Qorshaha horumarinta ee maamulkaasi yahay mid xoojinaya sidii mucaawinada Somaliland ay gooni ugu noqon lahayd, qorshahaasi oo la jaanqaadaya maqaamka gaarka ah ee horumarka dalka.

Shirkan ayaa sanadkiiba hal mar qabsooma, waxana ka qayb gala inta badan mas'uuliyiin wakiil ka ah dawladaha Somaliland deeqaha siiya, waxana halkaas la isku weydaarsadaa nidaamka ay lacagahaasi u baxeen iyo nidaaminta kuwa soo socda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM