​Siilaanyo oo u socdaalay dalka Ingiriiska

Image
Image
Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dubai ee xarunta waddanka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Siilaanyo ayaa usii gudbi doona waddanka Ingiriiska, waxaana socdaalkiisa ku weheliya; Marwadiisa  Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Siilaanyo mar uu madaarka Hargaysa kula hadlayay warbaahinta galinkii dambe ee Shalay, wuxuu socdaalkiisa ku sheegay mid qotomo dar-dargalinta xiriirka kala dhaxeeya EU iyo UK.

"Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah),"Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Safarkan ayaa kusoo beegmay xilli waddanka Britain ay dhaliileen tallaabada Siilaanyo ku kala saaray doorashada Madaxtooyada iyo midda Barlamanka maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM