Somaliland: Dib u dhac ku yimid balaarinta dekada Berbera

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dib udhac ku yimid qorshe dib u hayb iyo balaarin loogu sameyn lahaa Dekadda wayn ee Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee waqoyga Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Maareeyaha Dekadda Magaalada Berbera Siciid Xasan Cabdullahi, oo ka hadlay warbaahinta ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in sababta dib udhaca keentay ay tahay cilado farsamo, isaga oo shaaca ka qaaday in dib loo bilaabi doono dhowaan.

Waxa uu tilmaamay in haatan qalabkii lagu dhisi lahaa Dekadda qaarkood ay yimaadaan, islamarkaana ay socoto diyaar-garow balaaran oo la doonayo in si deg deg ah loogu bilaabo ollaha dib u dayactirka loogu sameynayo dekadda Berbera.

Maareeye Siciid Xasan Cabdullahi ayaa afka ku balaariyay in bisha October ee sanadkaan 2018 si rasmi ah loo bilaabo doono dayactirka iyo balaarinta Dekadda wayn ee Magaalo xeebeedka Berbera, taasoo uu sheegay in qaab casri ah loo dhisi doono.

"Waa run inuu dib udhac uu ku yimid. Balse, waxaan ku rajo wayn nahay inaan sida ugu dhaqsiyaha ku bilaabno agabkii dhismaha wuu yimid, waxaana la bilaabi doonaa bisha October," ayuu Maareeye Siciid Xasan Cabdullahi hadalkiisa udhigay.

Mashruuca dib udayactirka iyo balaarinta loogu sameynayo dekadda magaaladda Berbera, waxaa la siiyay Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, taasoo qandaraaska la saxiixatay maamulka Muuse Biixi horaantii sanadkaan 2018.

Maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland iyo shirkadda DP World ayaa ku heshiiyay in 65% Dakhliga Dekadda ay qaato DP World halka 35% ay leedahaya Somaliland, halka Itoobiya oo qayb ka ah heshiiska ay ku yeelaneyso saami dhan 19%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM