Somaliland: Kaararka Codbixinta oo Suuqa-madow lagu iibsanayo

Image

HARGEYSA, Somaliland - Dadweynaha xaafada State House-ka ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta ciidanka ku wargeliyay in kaararkii ay ku codayn lahaayeen lagaga bedeshay raashin maalintii shalay.

Ka dib markii shuruud lagaga dhigay in ay keenaan kaararka codbixinta taas bedelkeedana la siin doono raashin ay isticmaalan mudo bil ah.

Dadweynahan oo u badnaa qoysas danyar ah, ayaa sheegay in aanay garanayn ama aanay jirin aqoon hore oo ay u lahaayeen raga watay hawshan, balse ay arkeen in ay ka socdaan xisbi siyaasadeed

Wararkan ayaa maalmahan lagu shaah-cabayay suuqyada, laakiin Maanta ayay noqotay mid dhabowday.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa horey isugu eedeeyay in midkastaba iibsanaayo kaararka.

Kaar-iibsiga marka laga soo tago, waxay saddexda xisbi Siyaasadeed ee Somaliland isku eedaynayaan adeegsiga qablaayadda, oo ololaha ku galayaan deegaanada ay tagayaan.

Arrimaha ayaa kusoo beegmaya xilli 13 maalmood ka harsan tahay Doorashada Somaliland, taasi oo ka duwan kuwii hore marka loo eego cabsida jirta ee ku aadan in qalalaase ka dhaco natiijada doorashada. Halkan ka akhri Warbixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abwaan ku biiray suugaanleyda Somaliland ee u ruqaansaday Jilib

Abwaan Jeesto ayaa horey loo xiray taageerida kooxda AS.

  • Somaliland

    22-04-2024

  • 09:57AM

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM