Somaliland: Maalinta Afka Somaliga oo la xusay

Image
Image

HARGAYSA- Kulan ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey 21-ka bisha February oo ku beegan maalinta sannad walba la xuso Afka Soomaaliga, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay wasiirro, abwaanno, madax-dhaqameed, haween iyo dhallinyaro daneysa kor u qaadista afka Soomaalig. 

Munaasibaddan ayaa inta badan looga hadlay caqabadaha soo foodsaaray kor u qaadista luuqadda iyo inuu kamid noqdo afafka sii dabar go'aya, waxaan hadallo ay jeediyeen abwaanno ku xeel dheer luuqaddeena, waxay sheegeen in qiimahii afku lahaa meesha kasii baxayo.

Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), ayaa soo jeediyey in afka loo gurmado, isla-markaana xil weyn la iska saaro sidii dib loogu soo noolayn lahaa. 

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelintan Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxariid (Caddaani), ayaa dhankiisa xusay inuu diyaar u yahay sidii loo abuuri lahaa akadamiyad arrimaha dhaqanka iyo afka ka shaqaysi si looga fogaado dabar go'a luuqaddeen soo foodsaaray. 

“Waxaan jecelahay in aan madaxtooyada iyo maaliyadda kala tashado sidii loo abuuri lahaa akadeemiyadii dhaqanka iyo sayniska oo ay noqoto mid runtii shaqaysa, waxaan dhiirigalinayaa in la dhiso tiyaataro badan. Waxaan soo gaadhay tiyaatarkii silimo Oktoobar waxaan garaynayaa tiyaatarkii miyii iyo magaalo ee dunbuluq ku yaalay. Waxaan dhiirigalinayaa in uu Af-Soomaaligu noqdo mid ka bilaabma dugsiyada hoose dhexe sare iyo illaa jaamacadaha,“ ayuu yidhi wasiir Caddaani. 

Xaaladda luuqaddeen ayaa laga dayrinayaa kadib markii lagu barxay afaf kale kuwaasi oo laga soo minguuriyay waddamo qalaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM