Somaliland oo aan cayrin doonin Nile Academy

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan deegaanadeeda ka mamnuuci doonin hay'adda Turkish-ka ah ee Nile Academy iyadoo tilmaamtay inaysan wax dambi ah ka galin maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta u sheegay in hay'addaasi oo xarun ku leh magaalada Hargaysa shaqadooda sii wadan doonto islamarkaana aanay mamnuuci doonin.

Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in hadii Nile Academy dambi gali lahayd maxkamadda sare kusoo oogi lahayd eedaha loo haysyto, waxuuna xusay inay u madax-bannaanyihiin shaqadooda.

Hadalkan wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa kusoo beegmay xilli xukuumadda Somalia u hogaansatay dalab ka yimi madaxweynaha dalka Turkiga kaasoo codsaday in waddanka laga saaro hay'addaas oo uu leeyahay nin loo haysto afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay waddanka Turkiga.

Xukuumadda Somalia ayaa mamnuucday dhammaan shaqadii Nile ka haysay magaalada Muqdishu iyadoo shaqaalihii ka howlgali jiray loo qabtay muddo 7 casho ah inay dalka kaga baxaan.

Somaliland ayaa sheegata inay tahay dal kamadax bannaan Somalia, waloow aysan wali helin aqoonsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM