Somaliland oo Dacwad kusoo oogtay Naciima Qorane [Akhriso]

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xafiiska Xeer Ilaalinta maamulka Somaliland ayaa dacwad rasmi ah kusoo oogtay Naciima Axmed Ibraahim [Naciima Qorane] oo kamid ah Hal abuurka Soomaaliyeed.

Naciima Qorane ayaa lagu soo oogay labo qodob oo kala ah inay barteeda Facebook dhigtay qoraal wax u dhimaya Jiritaanka Somaliland iyo qodobka labaad oo ah inay cay iyo ceebayn u geysatay Somaliland.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-Jeex ayaa lagu sheegay in Naciima Qorane ay mutaysan doonto 8 sano oo xabsi ah hadii ay kusoo cadaato eedaymaha lagu soo oogay.

Gabadhan oo ah Gabyaa, qoraa curisa Gabayada iyo Suugaanta ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa January 28, 2018 iyadoo kasoo duulaysay Garoonka Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Naciima oo ah qof aaminsan midnimada Soomaaliya, ayaa ka qeybgashay Bandhig-buugeed lagu qabtay Muqdisho sanadkii 2017, iyadoo markii ay ku laabatay Hargeysa xabsiga la dhigay.

Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay ku xad-gudubto xuquuqul Insaanka, iyadoo inta badan xabsiga dhigta shaqsiyaadka ay u aragto inaysan aaminsanyn gooni isagu taageeda, waxayna horey u xirtay Weriyaal uu kamid yahay Cabdimaalik Coldoon kadib markii uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo markii la dooray bishii February 2017.

Waxaa 7-dii bishan lagu xiray magaalada Hargeysa, oo walina xabsiga ku jira Maxamed Kayse Maxamuud kaasi oo isna loo xiray qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa, iyo inuu qoray buuga uu ku amaanayo Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka akhri Warqada Maxkamadda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gadood ka dhashay fanaan ay ciidanka Somaliland ku xireen Hargeysa

Maxamed Xuseen Habane oo loo yaqaano Maxamed Yare ayaa xoog looga watay guri uu ku sugnaa.

  • Somaliland

    07-04-2024

  • 05:05AM

Maamulka Somaliland oo Itoobiya kala hadlay muran-xuduudeedka kala dhaxeeya SSC-Khaatumo

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka.

  • Somaliland

    04-03-2024

  • 02:11PM